XAAJO.COM

Aan wada hadalno waa aan heshiinno.WQ Abdirahman Biihi

Bishan dhexdeeda ayaa midowga Yurub loogu bishaareeyey in la guddoonsiin doono Billadda Nabadda ee Nobel. Ninka madaxda u ah guddida bixisa billaddaas Thorbjoern Jagland ayaa ku fasiray sababta billaddan loo siinayo ururka inay tahay in Yurub ay ka gudubtay xaaladdii dagaalka oo ay gashay xaalad Nabadeed, isla markaana ay ka gudubtay dhibaatooyin badan oo dhaqan-dhaqaale una gudubtay is-xaq-dhowr, is-ixtiraaam iyo dimuqraadiyad. Waxaa kale oo uu ninkaasi ku andacooday inay adag tahay in lagu fekero in mar danbe ay dagaallamaan Faransiiska iyo Jarmalku.

Dagaalkii labaad waatii Jarmalku qabsaday Faransiiska isagoo ka talinayey muddo afar sano ah 1940 – 1944, ugu danbayntiina waxay ahaayeen Ingiriiska iyo Maraykanka oo iskaashanaya kuwii Faransiiska usoo hiiliyey ee ka xoreeyey Jarmalka. Maantana waxaa xusid mudan in Jarmalka iyo Faransiisku ay leeyihiin xidhiidh aad u sarreeya oo ay wax badan isaga dhawaadeen waddammo kale.

Lamasoo koobi karo midhaha laga helo nabadda waana mid noolaha oo dhami u baahan yahay kumana koobna oo keliya billad la is guddoonsiiyo.

Maalmahan waxaan maqlaynay in wada hadal u socday jabhadda ONLF iyo xukuumadda Ethiopia, taasoo ay si aad ah usoo dhaweeyeen uguna riyaaqeen inta badan shacabka ku nool Ogaadeeniya ama soomaalida Ethiopia (qofba siduu u yaqaanno).

Inkastoo haddana la sheegay in heshiiskii hakad galay, hadana waxay soomaalidu tidhaahdaa “Aan wada hadalno waa aan heshiinno” Marba haddii wada hadal bilaabmay waxa aan rajaynaaba waa in ugu danbayn ay isla soo saaraan go’aammo u danaynaya shacabka.

Run ahaantii labada dhinacba waxay mudan yihiin in loogu hanbalyeeyo tallaabadan wanaagsan ee ay hore u qaadeen. In heshiis dhacana waa mid mar hore la filayey waana mid muhiimad wayn u leh ummadda halkaa deggen.

Shabakadaha war-baahinta ee ururka ONLF ayaa tilmaamay in dawladda Ethiyoobiya ay Keenya ka codsatay inay dhex-dhexaadiso iyaga iyo ONLF, taasoo ay jabhadduna aqbashay. Taasina waxay muujinaysaa in labada dhinacba muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay wada hadal xal ku raadiyaan, sidaa daraadeed sax ma aha in mas’uuliyiinta labada dhinac ama taageerayaasha labada dhinac isku eedeeyaan ciddii aan rabin heshiiska waxaase aan shaki ku jirin inuu imaan karo is fahmi waa.

Dad badani waxay dareemayaan in xukuumadda Ethiyoobiya ay ka go’an tahay inay soo af-jarto khilaafka ka taagan mandiqadda iyadoo aaminsan in si federaal ah wax lagu qaybsado.

Maadaama uu fikirka xukuumaddu midkaa yahayna waxa keliya oo xukuumadi mucaarid ku qancin kartaa waa “adiga iyo aniguba aan ku kala gar qaadanno heshiiska ama dastuurka waddanka, kadibna aan arrimihii kale isla qaadaa-dhigno innagoo u bandhigayna dastuurka”

Dhinaca kale, cidina daah kama saarna in ONLF ay weligeedba raadinaysay xornimo uu helo gobolka Ogaden, waana middii keentay inay baxaan oo duurka galaan. Waxaase xusid mudan in ONLF uusan dastuurku ku cusbayn ayna ka mid ahayd xisbiyadii oggolaaday, waxaase jabhadda iyo xukuumaddu isku khilaafeen wuxuu ahaa ONLF oo horraantii 1995-kii tidhi: “Gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaaye, war-yaadha waxaannu rabnaa inaannu ka faa’iidaysanno qodobka 39-aad ee odhanaya is-maamuml waliba markii uu doono ayuu shacabkiisa u bandhigi karaa inay ka go’aan”.

Arrinkaasi kedis ayuu caalamka iyo xukuumadda Ethiyoobiyaba ku noqday. Iyadoo aan si siyaasi ah loogu gorfaynnin baarlammaanka federaalka ah waatii ONLF xalka siyaasiga ah ka door-bidday inay qoriga qaaddo, taasina shaki kuma jiro inay ahayd qalad aad u wayn oo ONLF ka gashay bulshada dhulkaa deggan. Waxaa kale oo aan shaki ku jirin in xukuumadda lafteedu ayna si hagar la’aan ah waagaas xalka u raadinnin, isla markaana milleterigii joogay meelaha qaarkood ay saliidda dabka kusii shubeen.

Waxaa la is waydiinayaa haddii la yidhi xukuumadda Kenya ayaa arrinkan dhex-dhexaad ka ah sidee ayey arrinka u gashay, miyeyna u caddaynin dhinac waliba mowqifka uu ka qabo heshiis uu la galo darafka kale. Haddiise markii hore la is arkay ma salaan iyo is barasho kaliya ayuu ahaa kulankaasi? Maxaa muhiim ah oo lagu wada hadlay markii la lahaa albaabbadaa hoosta lagasoo xidhay? Maxaa laga wadaa shuruud la’aan aan wada hadalno? Muxuu ahaa doorka Kenya?

Run ahaantii, dowladda Kenya way ku mahadsan tahay inay arrinka abaabusho laakiin waxaad mooddaa in cilladda farsamo ee keentay is faham waagu uu xaggeeda ka yimid.

Si kastaba ha ahaatee labada dhinacba waxaa la gudboon inay hore usii wadaan tallaabadan wanaagsan ee ay dhinaca rajada u qaadeen.

Dhinaca kale waxaan dad-waynaha ka codsan lahaa inay soo dhaweeyaan heshiiskan, oo labada dhinacba loo hanbalyeeyo. Marnabana ma habboona in si qaldan loo sii fasiro mowqifka uu daraf qaadan doono illeen war jiraaba cakaara ayuu imane, soomaaliduna waxay tidhaahdaa “Qofkii uurka daba Allaah ayaa arka, qofkii isha dabana aadamaha ayaa arka”

Haddii uu heshiisku maanta uu hir-geli waayana taas macnaheedu ma aha in meeshii lagu kala tegey ee ha la ogaado howshu waa bilow’e. Waxay siiradu ina baraysaa in heshiiskii caanka ahaa ee Rasuulku calayhi salaatu wa salaam la galay Quraysh uusan kulankii ugu horreeyeyba ku hir-gelin ee ay Qurayshi soo dirtay rag kala geddisan oo uu ka mid ahaa Curwata Ibnu mascuud, balse ugu danbayntii ay soo direen Suhayl Ibnu Camar, kaasoo markii uu Rasuulkeennu calayhi salaatu wa salaam arkay uu bishaaraystay isla markaana uu u bishaareeyey mu’miniinta isagoo ku leh <> isagoo magaca Suhayl oo macnihiisu yahay (kii sahlanaa) u arkaya tafaa’ul wanaagsan, sidii ayeyna noqotay.

Isla markaana waa inaan laga dhigin haddii ONLF nabad qaadato inay is dhiibtay, ama in heshiiskoodu uu caqabad ku noqonayo is-maamulka soomaalida Ethiyoobiya, ama aan laga dhigin inay heshiiska u galayso si ay qas iyo dagaal sokeeye uga abuurto gobolka. Dhammaan arrimahaasi waa arrimo colaad keeni kara ama aan xumaan mooyee keenaynin wax wanaag ah.

Waa heshiis aan ku rajo waynahay oo taariikhda geli doona Inshaa Allaah.

Abdirahman Sheikh Bihi

bihiabdi@gmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print