Hay’adda Gar-gaarka iyo Horumarinta Degaanka Soomaalida Itoopiya (SAAD) ayaa degaanka keentay laba gaadhi oo ah nooca gurmadka deg dega ah (Ambulance).
Labadan gaadhi oo dhowaan soo gaadhay degaanka ayay hay’addu ugu tala gashay inay daboolaan baahiyaha dhanka Caafimaadka ee qaybo ka mid ah Degmooyinka degaanka.
Gaadiidkan oo dhawaan soo gaadhay magaalada Jigjiga ayaa ah kuwa Casri ah oo ay u dhamaystiranyihiin dhamaanba qalabkii loogu tala galay gurmadka deg dega ah oo ay ka mid yihiin Oxygen(naqas) Sariir, Saacadaha wax lagu baadho, iyo dawooyinka (First Aid-ka).
Munaasabad lagu soo bandhigayay labadan gaadhi oo ka dhacday Xafiiska SAAD ay ku leedahay Magaalada Jigjiga ayaa waxaa kasoo qayb galay Warbaahinta degaanka waxaana goobtaa kula hadlay Gudoomiyaha Guud ee SAAD Sh.Axmed C.naasir Nuux( Axmed Nashaad).
Gudoomiyaha ayaa ka warbixiyay gaadiidka iyo waxa ay qaban doonaan isagoo sheegay in gaadiidkan loogu tala galay in ay u adeegaan bulshada qaabka wareega (Mobile) oo ay aadi doonaan hadba goobtii looga baahdo iyagoo ay la socdaan shaqaale Caafimaad iyo dawooyinba, gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in bulshada looga baahanyahay in ay ilaashadaan gaadiidkan oo ah hanti ay bulshadu leedahay.
Maaha markii ugu horeysay oo ay Hay’addu keentay adeeg bulshadu ku diirsato intii yareyd ey hay’ddu jirtayS
SAAD Media Office Addis Ababa