Anigoo ka tirsan aqoon yahay Deegaanka Soomalida Itoobiya ayaan jeclaysanay in aan fikirkaya ka dhiibano dadaalada horumarineed ee dhinacyada Horumarka iyo Nabadgalyada ee deegaankeena ka jira. Qoraalkan oo ay nagu qasabtay dacaayadaha raqiiska ah ee ay faafinayaan wakhtiyadan danbe shabakado (websites) ku caan baxay aflagaadaynta Maamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida sida RadioJigjiga iyo Kilil5. Waxaan sidoo kale halkan mahad ugu celinayaa shabakadaha cakaaranews, wabishabeele, wardheernews iyo xaajo oo marwalba wararka deegaanka shacabka u tabiya.
Haddaba angoon marnaba aan diidanayn xuriyada hadalka (freedom of Speech) oo ah tiir ka mid ah tiirasha dimoqraadiyadeed waxaa runtii ayaan daro ah in la khalad fahamo micna xuriyada hadalka isla markaasna si khalad ah loo adeegsado. Waxaa fiicnaan lahayd wakhtiga lagu luminayo qoraalada dacaayadaha aan macnaha lahayn ah in lagalin lahaa qoraal wax tusaalayn kara Xukuumada isla markaana shacabka wax ugu filaan lahaa. Waxaa fiicnaan lahay in dhaleecayntu ay tahay mid wax dhisid ku salaysan(constructive criticism) ee aysan noqon mid dan laga leeyahay oon wadiniyad ku dhisnay. Tusaale waxaa noqolahaa Ceel laga qodayo qabalee ka tirsan Degmada Filtu oo wakhtigiisii aan la dhamaystrin ama la qoday oon shaqo galin shacabkiina u dhibaataysan yahay in wax laga qoro oo xukuumada lagu baraarujiyo si shacabkaas xal deg deg ah u helo.
Waxaa sidoo kale aad u qurux badan ama damiirka wax bartay uu ku qasban yahay in xaqiiqda aan la iska indha tiring iyada oo ay tahay in la iska daayo dhaleecayn guud (hasty generalization) oo shacabka aan dan u ahayd. Waxaa inta badan dhacda in xukuumada marka la dacaayadanayo la adeegsado waa xukuumadii ugu tayada xumayd, waxba ma qaban xukuumadani, musuqu wuxuu marayaa halkii ama meeshii u saraysay. Bal waa iga su’aale maxaa lagu cabiraa tayada xumada xukuumadeed, waxqabad la’aanteeda iyo musuqa jira. Waxay ila tahay waa runtii erayo si fudud loo odhan karo laakiin in jawaabo ay u baahan tahay cadaymo (premises). Hal tusaale markaan soo qaato waxaan qabaa in aan lo odhan Karin xukuumada jirtaa waa xukuumadii ugu tayada xumayd waayo waxaan wada ognahay in cabinet-ka D.D.S ay ku jiraan aqoon yahay tiro badan isla markaasna xilkooda iyo waajiboodka sidoo loo baahnaa uga soo baxay. Tusaale ahaan waxaa haga xafiisyada waxbarasha iyo beeraha aqoon yahano heer kooda aqooneed u gaadhsiisan yahay Ph. D halka ay xafiiska kale oo ay ka mid yihiin Kobcinta awooda Dakhliga iyo Caafimaad ay daadihiyaan aqoon yahano M.A/Sc. Sidoo kale waxaan soo qaadan karnaa xafiiska maaliyada D.D.S oo shaqaalihiisu uu u badan yahay dhalinyaro wada haysata shahaada M.A.
Haddaba waxaan leeyahay halkay sartu ka qudhun san tahay?
Ma laga yaabaa in adeeg bixinta xafiisyada qaarkood ay liidato oo ay u baahan yihiiin sixid? way dhici kartaa laakiin taa macnaheedu maaha waa xukuumadii ugu tayada xumayd ee macnaheedu waa xafiis heblaayo adeeg bixintiisaa liidata islamarkaasna wuxuu u baahan yahay sixid. Araartayda waxaan kaga baxayaa Madaxwayne Cabdi Maxmuud Cumar waxuu ka mid yahay Madaxwaynayaashii ugu xumuuada fiicnaa isaga oo cabinetkiisa ay camireen aqoon yahay karti waxqabad iyo mid aqooneedba leh sida wakhtigii Ambassador C/rashiid Duulane . Dhinaca wax qabadka waxaan odhan lahaa waa madaxwayne leh xilkasnimo iska markaana jecel in mashaariicda horumarineed markaba la fuliyo. Tusaale, Intuu xilka qabtay waxaa in badan shirar qiimayn ah loo qabtay shirkadaha deegaanka ee gacanta ku hayay mashaariicda horumarineed iyadoo lasiiyay wakhti go’an oo ay kusoo dhamaystiraan intooda badnaydna ay kusoo dhamaystireen.
Marka waxaan leeyahay waa yaabe xageen kusoconaa? mar walba waxaa xukumadkasta oo deegaanka ka hanaqaaday ku kaca shakhsiyaad dano gaar ah leh waxaan leeyahay taas shacabka dan uguma jirto. Waxaa keena in ay arintaasi burburinta ahi hirgasho aqoon yahay oo markasta ka aamuso kuwo xukuumada ka tirsan, kuwo banaanka ka jooga iyo kuwo ganacsato ah. Si dhaqan kaas xumi uu meesha uga baxo waxaan soo jeedin lahaa in xafiisyadu wax qabadkooda wax ku oolka ah bulshada usoo bandhigaan in ay sameeyeen is barbardhig halka ay wax maraayaan iyo halka ay taagnaayeen si aan shacabka loo khaldin. Sidoo waxaa lagamaarmaan ah shirkadaha deegaanka ee dhamaystiray mashaariicdooda iyo kuwa hawl karka ahiba ay fikiradooda ka dhiibtaan brobagaandooyinka noocan oo kale ah.
Hadaba si aqoon yahaynka ood moodo in uu kaalintiisi gabay uu uga qayb qaato dadaalada horumarineed ee deegaanka ka socdo ugana soo baxo xaqii uu shacabka iyo dhulkiisu kulahaa waxaa lagama maarmaan ah in ay diirada saaraan sideen uga qayb qaadanaa horumarka fikirkeenana ugu darsanaa. Taa anigoo ka duulaya bal aan isku dayo in aan cabiro dareenkayga ku aadan xaalada deegaankeena anigoo tusaaleyaal kooban soo qaadanaya.
1. Dhinacyada Nabadgalyada iyo Horumarka
Waxaan ku bilaabayaa xaalada nabadgalyo ee deegaankeena gaar ahaan caasimada Jigjiga. Waxaynaan is moogaysiin Karin in magaalada Jigjiga oo Cadawyo fara badan leh sida qaswadayaasha ONLF, Erteria iyo Alshabaab ay manta tahay caasimada hadhsata dadaalka ciidama booliska ee deeganka iyagoo habeen iyo maalinba dadaal ugu jira sidii ay u sugi lahaayeen amniga shacabkooda. Wakhtigan aan joogno oo caalamka oo dhan mudnaanta koowaad lasiiyo nabadgayada waxaa deegaankeena soo kordhaya maalinba maalinta ka danbaysa dhulka nabada noqonaya. Tusaale ahaan waxaa dadka intiisa badan ka warqabaan in basaska yaryar ama minibaska Jigjiga kabaxaa uu magaalada qabridahe saacado ku gaadho. Arintan oo runtii wax lagu farxo ah ayay keentay kaabayaasha dhaqaalaha (infrastructure) sida Jidadka dhaadheer ee isku xidha gobolada deegaanka oo ladhisay iyo sidoo kale nabadagalayada goboladaas oo runtii meeshii ugu fiicnayd maraya. Sidoo kale waxaa gobolka fiiq oo kamid gobolada ugu aminiga xumaan jiray deegaanka ay shacabku ku gaadhaan basaskaa yaryar iyadoo runtii xaalada nabadgalyo ay meel fiican marayso.
Dhinacyada horumarka marka aan eego waxaa deegaanka ka socda dadaalo farabada oo runtii ay ugu horeyso dardar galinta bixinta adeegyada bulshada oo runtii meel fiican maraya. Tusaale haddii aan soo qaato waxaa runtii cida walba oo garanaysaa ay runtii qaadan la’adahay adeeg bixinta health center-ka dhawaan laga furay tuli guuleed oo runtii adeegyadii loogu talagalay dhamaan tood bixiya.
Haddaba qoraalkan oo qaybtii ugu horaysay ah oo dhinacyadii siyaasadeed, dhaqaaleed iyo bulsheedba soo tabin doona. Waxaan leeyahay aqoon yahay wuu ka dhiidhiyayaa brobogaandada xukuumada iyada oo maanta deegaanku hadhsanayo nabadgalyo buuxda horumarkuna meeshii ugu fiicnayd marayo.
Wadani.2011@yahoo.com
Maxamed Axmed (Maxamed Jigjigaawi)