XAAJO.COM

Ardaaga Facebook: Ree Luuq Jeeloow ayaa looga yeedhayaa

XOL: Aan ku luudee Luuq jeeloow Ma lagu Ladnaa.! Luuq jeeloow, Camaloow, Jiiqley, Siigaaloow, Qooqaani, Leeboow,  Jalalaqsi ayaa dhamaantood waxay ahaayeen xeryihii qaxootiga ee gobolka Hiiraan halkaasoo kumayaal kasoo jeeday Ogaadeenya ay kusoo qaxeen dagaalkii udhaxeeyay WSLF oo taageero ka heleysey dawladdii Somaliya iyo dawladdii Mingistu Hayle Maryam.

Ma Horseed baad dagganayd, mise Jawiil ama Qarjajabo markii dambe mise Waabari amase October. Mise Hawl wadaag ama Xaafaddii Dhanaan? Midkey doontaba ha ahaatee ma rabtaa inaad ku biirto dibna ula kulanto asaxaabtii qaaliga ahayd ee waayuhu idin kala geeyeen.  Schoolkeed dhigatay,  hiladeed ku dabaalbaratey, garoonkeed ku ciyaartey. Macalinkee Quraanka kuu dhigey? Waa xasuus aan la hilmaami karin waana muhiim in dib looga sheekeysto walaalo badan oo kala baadey, daris kala durkey iyo saaxiibo kala fogaadeyna waa muhiim iney is maqlaan kuna kulmaan  Ardaaga laga oodey FACEBOOK.

Fanaan Soomaaliyeed ayaa waahore yidhi ” Ninba Waayihiisaa Illeen meel ku waaboo, waynu kala fogaanee, miyaan kuu waramay walii!….Mayee, mayee, iiwad sheekadaa…”

Haddaba waxaa socda dadaal ay wadaan waxgarad iyagu kamid ahaa dadkii indhaha ku furey xeradii qaxootiga ee Luuqjeeloow  waxeyna warbaahinta Xaajo usheegeen iney rabaan iney sameeyaan golayaal iyo dib ugu midoobayaan iney isugu yimaaddaan dadkii Luuq jeeloow oo maanta sida la ogyahay ku baahsan shanta gees ee adduunka ayna kasoo baxeen illaahay mahaddii dad tayo badan leh rag iyo dumarba ahna walaalo isjecel meelkasta oo ay joogaanba.

Haddaba haddii aad kamid ahayd dadkaas oo aad rabto inaad dib ula midawdo saaxiibo, ehel iyo asxaabtii kala luntey waxaad ku biirtaa golaha ama ardaaga Facebook- laga furey.

Sidee uga mid noqonkaraa?

Shardiga ugu horeeya waa inaad tahay ree Luuqjeeloow laguna garanayo iyadoo illaa ku dhawaad 17 ruux oo kasoo jeeda Luuq jeeloow khabiirna ku ah aqoonta ee ree Luuqjeeloow ay eegi doonaan dadka soo dalbada iney kusoo biiraan Ardaaga.

Ardaagu ma ahan mid iska furan waxaana saaran quful sidaas darteed waxaa shardi ah:

1- Inaad leedahay Facebook Account

2- Inaad codsato inaad ku biirto golaha adigoo isticmaalaya magac la garan karo.

3- Markaad gasho facebook baadi goob kusamee(Searc) magaca Luuqjeeloow, waxaana kuusoo baxaya magaca iyo waliba xubnaha ku jira golaha kadibna codsi udir haddii aad fariin raaciso lagugu aqoonsadana waa waxwanaagsan.

Ujeedada:
Ujeedada laga leeyahay abuuritaanka golahan iyo isku keenka ree Luuqjeeloow ayaa ah dhaw arimood; midda hore  in saaxiibo kala lumey dib isugu yimaaddaan , la isku caawiyo lana kala faaiido iyadoo haddii ay suuro gal noqoto kulamo lasameysandoono kolba meesha ay dadku u badanyihiin.

Ugu dambeyn saaxiibo badan  ayaa la arkaa iney dib ugu soo midoobi doonaan Ardaaga Facebook ee la furey haddaba. Halkan ka gal dabadeedna codso inaad ku biirto ardaaga luuq Jeeloow. www.facebook.com

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print