XOL:Waxaan Warbaahinta Xaajo soo gaadhey baaq ku aaddan beelo walaalo isku dagaalay gobolka Afhdeer gaar ahaan deegaanka Muldhato waxaana qoraalkan lagu xasuusinayaa walaalahaas iney nabad kusoo dabaalaan xaalka illaahayna ka cabsadaan oo ay colaadda dajiyaan. Qoraalka ayaa sidan u yaalay:
Baaaq Nabadeed:
Annagoo isugu jirna odayaal iyo indheer garad ku nool yurub iyo ameerika waxaan halkan baaq nabadeed uga diraynaa dadka walaalaha ah ee ay dirirtu ku dhaxmartay deegaanka Muldhato oo dhaca xuduudda Gobollada Afdheer iyo Godey ee Dagaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya inay si dag-dag u joojiyaan colaadda shuruud la’aan, kuna dhammeeyaan khilaafaadka dhexdooda gogol nabadeed.
Waxaan walaalayaal idin xasuusinaynaa cabsida eebbe iyo sida ay qof muslim ah uga xaaraan santahay tahay daadinta dhiigga walaalkiisa muslimka ah, waxaadna ogaataan in adduunyada dusheeda dadku wax isugu yahay loona baahan yahay in la isku kaashado wanaagga iyo taqwada si loo xaqiijiyo hadafkii Eebe inoo abuuray oo ahaa inaan iska dhawrno nawaahibtiisa, qaadannana awaamiirta iyo faraa’sha la ina faray. Walaalayaal nooma muuqato asbaab kallifi karta dagaal ayadoo aynu wada ogsoonahay in dhulku idinkaba badan yahay ee kaliya loo baahan yahay in lala imaado caqli iyo xikmad lagu wada manaafacaadsado.
Magacyada Odayaasha Baaqa diraya:
1. Nadiir Fay Aadan Wabi
2. Maxamuud Xasan Axmad Gurxan
3. Cali Aadan xuseen(Baadiyoow)
4. Xankoor Cabdille Xasan
5. Cadifataax Carte Cali
6. Maxamed Jire Qalinle
7. Cabdifataax Sheekh Xuseen Jeereer
8. Xasan Axmad Kaahin
9. Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Faarax
10. Axmad Sheekh Maxamud(Axmad Suufi)
11. Deeq Cabdiyare Cali
12. Cali Ugaas Dacar
13. Xasan Faarax Shire
14. Cabdirashiid Daahir Loxos
15. Cali Xaaji Yuusuf Sammad
16. Nuur Maax Gaabane
17. Shukri Taraar Sahal
18. Cabdi Ibraahim magan(Cirjiir)
Xaajo.com