XAAJO.COM

Baroor diiq ka dhacdey Australiya oo ay isugu yimaaddeen Ethiopian badan

Waxaa maaalintii sabtida 25/08/2012 ka dhacay magaalada Melbourne ee Australia shir aad iyo aad looga soo qaybgalay oo loogu baroor diiqayay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Prime Minister Meles Zanawi.Shirka waxaa ka soo qaybgalay daa 1500 kor u dhaafay oo qiiro iyo wadaninimo ka muuqatay.

Qowmiyada Somalida Ethiopia oo uu horkacay ururka Somalida Ethiopia ee Australia(SECA) ayaa abaabulkii iyo iskudubaridkii sirka qayb wayn ka qaatay.Shirka waxaa lagu bilabay cajalado maqal iyo muuqaal ah oo ka sheekaynaya halgankii dheeraa ee mudane Meles Zanawi iyo ururkii uu hogaanka ka ahaa ee TPLF u soo galay in Ethiopia laga badbaadiyo kaligi taliyiii Mangistu Haile Mariam.Waxaa iyana la soo bandhigay taarikh nololeedkii Prime Minister Meles Zanawi iyo isbadalka dhaxalgalka ah ee 21 sano ee xisbigiisu talada wadanka hayay ka hirgalay dalka Ethiopia. Dadkii madasha ka hadlay ee isugu jiray madax Ururoo,siyaasiyiin iyo shakhsiyaadba waxay isku raaceen in Ethiopiadii hore iyo tan manta faraq wayn u dhexeeyo.Waxaana la qiray in maamulkii Prime Minister uu horumar balaadhan oo dhinac walba taabanaya ka hirgaliyay wadanka.Waxaa kale oo shirka laga qiray in uu aragti dheer iyo kalsooni uu wax ku meelmariyo uu lahaa.

Ururka Somalida Ethiopia(SECA) waxaa u hadlay Gudoomiyaha Uruka Yusuf M Haibe iyo Hoghayaha Uruka Shafici Abdi Midleh.Gudoomiyaha iyo Hoghayahuba waxay aad ugu dheeraadeen oo ay faahfaahin dheerad ah ka bixiyeen horumarka sida qoraxda u cad ee xawliga ku socga ee guud ahaan Ethiopia oo dhan ka hirgal gaar ahaana Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya.Waxay meesha ka sheegeen in manta la gaadhay wakhti Itoobiyaanimada lagu faano oo xaqiraadii dhamaatay.
Ugu dambaytii waxaa la iku raacay haduu Prime Minister Meles Zanawi meesha ka baxay in isbadalkii, hadafkii iyo jidkii uu jeexay ee dhaxal galka(Legacy) in horay loosii wado.Waxaa kale oo iyana la isla arkay, lana xoojiyay in mashruuca Qarniga(The project of the Century) ee ABBAY oo ahaa hal abuurkii Prime Minister Meles Zanawi la hirgaliyo.

Ururka Ethiopian Somali Community of Australia oo ku hadlaya magaca Somalida Ethiopia ee ku noo qaarada Australia u tacsiyadaynayaa qoyskii uu ka tagay PrimeMminister Meles Zanawi,qaraabadii iyo dhanaam umada Ethiopia ee wadanka Ethiopia iyo dibadiisaba ku nool.

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print