XAAJO.COM

Soo Raac: Hal Bir ayaad ku raaceysaa baskan kala jiidan

XOL:Waxay xukuumadda DDS dhawaan magaalada Jijiga soo galiyeen saddex bas oo dhaadheer oo loogu tala galay in fududeeyaan isku socdaalka dadka magaalada caasimadda Jijiga oo sanadahan danbe la ciireysa dad aad ubadan oo kaga soo wajahan caalamka adduunka.

Saddexdan bas ayaa qayb ka ah 6 bas oo loo dalbey magaalada iney sahlaan isku socodka magaalada iyadoo dhanka kalena dadka danyarta ah iyo ardeyda iyo shaqaalaha dawladdaba ay ku raaci doonaan 1Birr oo kaliya socodka ugu dheer ee labada cirif ee magaalada Jijiga waa Machadka Tababarka macalimiinta ee Dr Abdimajiid iyo Jibriga ama Kantaroolka Jijiga.

Basaskan oo ah kuwa aad u mugweyn aadna loogu bogey ayaa waxey wax badan ka badaleen socdaalkii magaalada iyadoo wali loo baahan yahay basas kale balse shacabka magaalada ayaa aad usoo dhaweeyay.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print