XAAJO.COM

Been Fakatay Runi Ma Gaadho Weeye Xaalka Gadabuursi: WQ Yusuf Ciise

Sidaan ka wada dheregsanahay Gadabuursi ama Samaroon waa beel Soomaaliyeed oo mudan sharaf iyo karaamo, waxaadse moodaa beryahan danbe dhalinyarada hor boodaysa oo qaarkood ayna aqoonba u lahayn deegaanka Soomaalida Itoobiya ama aysan weligoodba arag maqal mooyaane inayna ka turjumayn danaha iyo maslaxadda beesha Gadabuursi; una horseedi karaan colaad, nacayb iyo kala fogaan ay kala dhex dhigaan beelaha Soomaaliyeed ee kale iyo beesha Gadabuursi.

Beryahan danbe waxaad arkaysaa ama maqlaysaa qoraalo ay qoraan dhalinta gadabuursi ee ku dhaqan qurbaha kuwaasi oo xaqiiqda ka fog. Horay ayaan uga hadlay deegaanka ay degaan gaar ahaan labada degmo ee Awbarre iyo Danbal; kuwaasi oo lala wadaago. Matalan degmada Danbal waxaa la wadaaga oo degaan ahaan iyo tiro ahaanba kaga badan qabiilka Ciise (Gadabuursi waxaa ka degan labada beelood ee Bahabar Cabdalla iyo Celi oo ah jilibyada ugu tirada yar gadabuursi dhexdiisa). Dhinaca degmada Awbarre waxaa la wadaaga qabiilka Isaaq gaar ahaan Jibriil Abokar oo dega Wajaale, Gobyareey ilaa Durya. Deeganka Gadabuursi ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya baaxad ahaan waxaa lagu qiyaasaa Lafa Ciise ilaa Awbarre oo isku jira 30km iyo Gogti ilaa Awbarre oo isku jira 45km dherer ahaan, waana dhul isugu jira buurolay lama degaan ah oo uu ku dhaqmi karo adhi keliya iyo dixda Harawo oo aan loo degi karin kaneeco ama xaalad caafimaad darteed iyo waxoogaa ku fiican daaqsin iyo beero oo aan sidaasi u badnayn.

Dhinaca horumarka horey ayaan uga hadlay oo degmada Awbare iyo Danbal waxay ku jiraan degmooyinka ka faa’idaystay miisaaniyada deegaanka sida waxbarashada (seddex dugsi sare), dhinaca caafimaadka,isgaarsiinta, korontada, jidadka, biyaha iyo amniga oo laga qabtay horumar la taaban karo. Dhinaca sad qaybsiga degaanka waxaay ka helaan saami fiican oo ka badan intii ay xaqa u lahaayeen sida safiirka dawlada federaalka itoobiya u fadhiya dalka kenya (Shamsadiin), xildhibaan heer federaal ah, 7 xildhibaan oo heer degaan ah, Wasiiro, Agaasimayaal iyo shaqaale aqoon leh oo badan oo ka hawlgala xafiisyada heer degaan, gobol, degmo iyo hayadaha samafalka oo badan. Wax dulmi, cadaadis iyo caddaalad darro ah oo sigaar ah loogu hayo beesha gadabuursi ma jiro , waxay xaq iyo xuquuqba la siman yihiin ummadda Soomaaliyeed ee walaalahooda ee ay degaanka wadaagaan.

Haddii aan u soo laabto dhinaca tirada dadka waxaa lagu qiyaasi jiray tirada dadka ku nool Awbarre iyo Danbal oo laysku daray tira koobkii ugu danbeeyay ee xukuumadii dhergiga ee 1988kii ilaa afartan kun oo qof (40,000), tii xaylesilaasana ilaa labaatan kun (20,000). Haddaba sidee ayay ku dhacday maanta in la yidhaahdo waxaa ku nool nus malyuun qof (500,000) way iska cadahay, waxaa sabab u ah oo ka qayb qaatay tiro koobka dadkii qaxootiga ahaa ee deganaa Awbarre, Dharwanaaje iyo Sheed-dheer. Waxaa sidoo kale ka qayb qaatay dadka Gadabuursiga ee degan Soomaaliland, Ciisaha degan dhinaca saylac iyo jabuuti iyo Isaaqa degan dhinaca Soomaaliland oo xadka ka soo talaabay iyo shaqaalihii tirakoobka samaynaayay qaarkood oo lacag laaluush ah la siiyay; Arrintan waxaa ka danbeeyay masuuliyiintii wakhtigaasi sida cabdimajiid, Shamsadiin, Dirir, Xuseen Ismaaciil iyo Iid Daahir iyagoo dhammaantood dano gaar ah kalahaa kuwaasi oo ay ka mid ahayd Ogaadeen nacayb ama Daarood nacayb.

Xisaab celcelis

60KM =60,000Metre

Haddii tiradu tahay sida la sheegayo 500,000 ruux waxaan ku jaangoyn kareynaa sidan: 60,000m/500,000?  Jawaabta akhristayaasha ayaa aan udaynayaa.
Qoraal ay dhawaan soo saareen xubno ka mid ah qurbo jooga Gadabuursi ayay ku sheegeen inay ka badan yihiin tirada dadka ku nool labada gobol ee Qoraxay iyo Fiiq ama labaatan degmo (20) oo ay degaan beesha Ogaadeen.

Haddii aan dib u jaleeco gobolka Qorraxay laga soo bilaabo degmada Shilaabo ilaa degmada ugu shishaysa gobolka Fiiq oo ah degmada Qubi waxaan ku qiyaasi karaa ilaa kun iyo shan boqol oo kilomitir (1500km); sidaasi darteed waxaan u daynayaa dadka aqliga la saaxiibka ah ee ayna qabyaaladu madax marin inay isweydiiyaan siday Awbarre iyo Danbal uga bateen labada gobol ee qoraxay iyo fiiq? waxaa kale oo aan ummadda Soomaaliyeed u daynayaa inay is weydiiyaan Gadabuursi inta ku nool Soomaaliland, Jabuuti iyo Itoobiya horta ma dhan yahay nus malyuun qof (500,000)?

Qoraalka ay soo saareen xubna ka mid ah qurbo jooga Gadabuursi kuma ekayn gobolada qoraxay iyo fiiq ee wuxuu wax ka sheegay meelna kaga dhacay degmada Tulliguuleed iyo dadka dega oo uu yidhi waxay ku fadhidaa 4km balac ah iyo 8km oo dherer ah. Arrintaasi markii aan wax ka weydiiyey ama aan la xidhiidhay waxgarad ka soo jeeda degmada Tulliguuleed waxay ii xaqiijiyeen in degmada Tulliguuleed xad la leedahay shan degmo oo kala ah Ajarsagoora,Gursum (Fiyaanbiiro),Jigjiga, Awbare iyo Danbal. Dhulka ay ku fadhido waa degaan aad u baaxad weyn oo ku seddex laabmi kara degmada Awbare iyo degmada Danbal oo laysku daray. Waxaana lagu tirin karaa degmooyinka fara ku tiriska ah ee dhaqaale ahaan, tirada dadka ku nool iyo baaxad ahaanba u qalma degmo iyo wax ka badan haddii cadaalad laga hadlaayo.

Markale oo aan wax ka weydiiyey waxgaradkaasi degmada Tulliguuleed dhinaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka beeraha wuxuu ii cadeeyey inay hodan ku tahay dhinaca wax soo saarka beeraha iyo xoolahaba. Waxaa jooga ama ka hawl gala degmada tulliguuleed boqol cagaf (100) oo kuwa dhulka ama beeraha lagu qodo ah (100 Farm Tractor) iyo toban cagafta waaweyn (10 Combine Harvest) ee lagu jaro qamadiga, sareenka iyo heedda, iska daa degmooyinka degaankee ma jiro gobol leh qalabka wax soo saarka ay degmada tulliguuleed haysato oo dhamaantood ah hanti ay shacabku leeyihiin. Isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu ii sheegay dadka dega degmada Tulliguuleed, Awbare iyo Danbal waa dad wax badan wadaaga sida dhaqanka, derisnimo, ahna dad wada dhashay sida wiil iyo abtigiis ama wiil iyo habaryartii, dumaashi iyo seedi, iyagaa dadka iska xiga soomaalidu waxay tidhaa “OODI AB KA DHAW”. Waxay ahayd beesha gadabuursi inay ku farxaan oo ay soo dhaweeyaan degmada walaalhood ee Tulliguuleed waxaase caddaatay wixii ay gadabuursi lagu sheegi jiray ee ahaa xin iyo xaasid, waxaanu waxgaradkaasi intaa ku daray oo uu yidhi dadka qoraalkaas soo qoray waxaan ka sugaynaa raaligelin iyo in dadka laga daayo fidnada iyo wixii kala fogaynaya.

Anigu waxa aan aaminsanahay Degaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya labaatankii sanno ee ugu danbeeyay ee itoobiya ay ka curatay dimuqraadiyada iyo in qoomiyad kastaa isku maamusho afkooda,dhaqankooda,diintooda iyo maamul iyaga u gaar ah dulmiga ugu weyn ee la galay waxaa ugu horeeya tiro koobkan beenta ah ee labada degmo ee Awbarre iyo Danbal ilaa imikana ay masuuliyiinta degaanku ayna xil iska saarin xalinteeda. Soomaalidu waxay tidhaa “haddii beenta lagu celceliyo waxay u ekaataa run” waana tan uu Gadabuursi wado oo hadda u baahan in si degdeg ah masuuliyiintu wax uga qabtaan. ;Arrinta kale ee khatarteeda leh waxa weeyi in qabiilo badan ay tegeen Addis Ababa ama dawladda dhexe ee Itoobiya kuwaasi oo ku fikiraya in degaanka Soomaalida Itoobiya uu u kala go’o gobol gobal iyo degmo degmo, kuwaas oo ay ka danbeeyaan cadowyo badan ama fulinaaya dano dad shisheeye. Waxaan u sheegayaa ummadda Soomaalida Itoobiya waa dad walaalo ah oo isku dan ah oo aan sinna u kala maarmi karin, midnimada, wadajirka, sinnaanta iyo caddaalada shacabka Soomaalida itoobiya waa muqadis wixii khaldan dhexdeeda ha xalisato kursiguna waa wareegto oo lama kala xigo.
Waxa iyana dhibkeeda leh wali xabbadan ay wadaan garabka nabada diidan ee ONLF, waxaa aan leeyahay kaalaya miiska wada hadalka idinka oo u tudhaaya shacabkan tabaalaysan ee ay colaadda, cudurka, jahliga, gaajada iyo abaaruhu ay wax yeeleeyeen idinka oo ka damqanaaya ama badbaadinaaya hanbadan hadhay.

Ugu danbayn waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkayga in masuuliyiinta degaanka sida madaxweynaha mudane Cabdi Maxamuud Cumar, gudoomiyaha xisbiga, seddexda madaxweyne ku xigeen, af hayeenka baarlamaanka, guddiga fulinta ee xisbiga talada haya, golaha baarlamaanka degaanka ay iska xil saaraan wax ka qabashada qodobada aan kor ku soo sheegay oo ay ugu horayso tira koobkan been abuurka ah ee labada degmo ee Awbarre iyo Danbal iyo wax ka qabashada beenta iyo borobogaandhada ay wadaan beesha Gadabuursi ee aan sal iyo raadka toona lahayn.
Shaqsi kasta oo Soomaalida Itoobiya way u furan tahay inuu fikirkiisa iyo rayigiisa ka dhiibto, una gudbiyo xukuumadda deegaanka iyo mida dawlada dhexe sidii wax looga qaban lahaa tiro koobka beenta ah ee Gadabuursi la wareegayo”Beeney waa run”, waxaan ku rajaweynahay in wax laga qaban doono sida ugu dhaqsaha badan.

Waxaad igala soo xidhiidhi kartaan qof kii iraba
Mr. Yuusuf Ciise (Jigjiga, Ethiopia)
yussuf.ciise@yahoo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print