XOL:Waxaa qoraal naga soo gaadhay muwaadhin magaciisa ku sheegey Suldaan Cabdiqaadir Axmed Hurre oo beeniyey qoraal lagu daabacay Website-ka Kilil5 uuna sheegey ineysan waxba ka jirin qoraal ay kusheegeen in isaga iyo Nabadoon Xirsi Dheere la xidhay isla markaana la la yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Qoraalka oo dheeraa ayaa sidan ku bilawdey.
“Anigoo ah Suldaan c/qaadir axmed hurre kana mid ah odayaasha D.D.S.I gaar ahaan gobolka wardheer ayaa waxaan beeninayaa website-ka kilil 5 war uusoo qorey 19/4/2012 cinwaankiisuna ahaa xadgudubyada shacabka warbixintaas oo ay tusaale ugu soo qaateen aniga iyo nabad doon xirsi dheere ayna ku tilmaameen in dawlada deegaanku na xidhey meel aanu ku suganahayna aysan jirin lanalala yahay , ayaa waxaan beeninayaa in uu yahay warkaasi been iyo ( probogando) waxaan sal iyo raad lahayn wax naxidheyna aysan jirin si xoraana aanu guryahanaga ujoogno ”
Muwaadhinkan oo erayadiisa ay ka muuqato cadho kulul ayaa u digey warbaahinta beenta ku qadhaabta oo iyagu leh dano gaar ah oo aan ahayn kuwa dadku arkayaan ama akhrin karaan.
Qoraalka oo dheeraa ayaa ku canaantay Website-ka fidiyay warkan beenta ah isla markaana kusoo gabagabeeyay
” Waxaan leenahay website-ka Kilil5 intaad waligiin taahaysaan ee dhinaca buka ujiifsanaysaan dhinaca fayow useexda oo shacabka dawlada deegaanka soomaalida wax laqaybsada aniga iyo odayaasha ilamidka ahna mar danbe been abuurasho hanaga samaysanina.”
Xaajo.com