XAAJO.COM

Booliska South Afrika oo gacanta ku dhigay raggii dilay Nasra Maxamed Qamaan

XOL:Wararka ka imaanaya dalka South Afrika gaar ahaan magaalada P.E ayaa sheegaya in ciidamada South Afrika ay gacanta ku dhigeen raggii dilay Nasra Maxamed Qamaan oo ahayd gabadh kasoo jeeda deegaanka Soomaalida iyadoo joogta gurigeedana ay raggani kufsadeen kadibna dileen.

Raggan ayay ciidamada Boolisku ku qabteen iyagoo ku labisan dharka dumarka Soomaalida xirtaan taasoo fududeysay in la qabto.

Illaahay ha unaxariistee Nasra ayaa la dilay iyadoo xaamilo ah waxaana war wanaagsan in nimankii diley gacanta lagu dhigay.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print