XAAJO.COM

Caqli & Caadifad keebaa haboon in la hormariyo?

Caadifada waa shey la xiriira miskaxda iyo maanka qofka waana shey Alle ku abuuray Basharka ideylkii.Waxay leedahay samaan iyo xumaan sida:
farxad iyo reyn’reyn, xiiso iyo hilow, jaceyl iyo jamasho, liibaan iyo guul,, Caro iyo cill, naceyb iyo xiqdi, xasad iyo shaki, niyadjab iyo shaleyto, cadaawad iyo karaahiyo, dambi iyo macsiyo, Islaweynaan ama isxaqirid, argagax iyo jahawareer, ceeb iyo yaxyax, yaab iyo amakaag, iwm.

Dhinaca kale Caqliga waa nuxurka iyo ahaanshaha qofka, sida dadnimada iyo damiirka, fikirka iyo foojignaanta, habdhaqanka iyo akhlaaqda, kala soocida xumaha iyo samaha, waa hagaha iyo xakameeyaha dareenka iyo caadifada qofka.

In qofka lahaado caadifad iyo dareen waa shey muhim ah waana shey muujinaya jiritaanka qofka, laakiin waa in caadifadu noqotaa mid miizaaman oo huwan caqli, si qofka uga soocmo xayawaanada kale ee aan caqliga la siinin, sida lo’da iyo Geela.
Caadifad bilaa caqli ah waxaa laga dhaxlaa shaleyto, waxay qofka ka tuurtaa gebi dher.

Waxaan si kooban u soo baranay Caqli iyo caadifad, cagliga ka hadal badan uma baahna, laakiin waxan rabaa inaan si kooban u abaaro Caadifada, gaar ahaan dhinaca na quseeya oo ah dhinaca xumaha.Soomaalidu waxay ku maah’maahdaa “Kheyr wax kaama dhibee shar u toog hay” .Caadifadu waxay gaartaa her XAGJIRNIMO, ka dibna u talowdaa heer ARGAGAX. Dhibaatooyinka maanta geyigeena ka jira waxaa u assal ah Caadifad fallaagowday oo caqligii ku caasiday.

Xagjirnimada waa in laga talaabo xadka dhex’dhexaadnimada islamarkaana la laasimo baafinta shidda iyo naceyb dadka dhexdooda ah, sida qofka oo ku kalax taga naceybka ama jaceylka shey, ama taageeridda/ mucaaradidda mab’da, qof, koox, iwm. si indha la’aan ah oo ka barax’la caqli iyo miizaan.

Intaas kuma eka, waxuu rabaa in dadku noqdaan sida Cajal uu isaga duubtay ama shimbirka BABAQAAGA oo kale,waxuu adeegsadaa wada kasta sida dacaayadaha laisu marsiiyo saxaafada iyo cagajugleyn IWM. waxuu baneystaa cayda iyo ku xadgudubka sharafta iyo xuquuqda dhinaca kale iyo wax walba ee uu isleeyahay waa ay dhibayaan, marka laga reebo in si toos ah qudha looga jaro.

Inta badan marka la maqlo ereyga Xagjir, waxaa durbaba la xasuustaa, kooxo gaar ah, sida Alqaacida, Jeeshu-Rabbi ama Buko-Xaraam IWM. laakin xaqiiqda dhabta ah xagjirnimadu diin kuma koobna. Waxaa noqon kara qofkasta oo ku kalax tagay fikir ama aragti ilaa uu gaaray heer lagu tilmaami karo xagjir, fikirka ha noqoto mid ku saleeysan diin ama aragti maadi ah, sida Qadiyad IWM. Marka uu qofka heerkaas gaaro waxaa loogu yeeri karaa”Xagjir”.

Haduusan qofka istaba qabanin waxuu khattar ugu jiraa inuu gaaro heerkii ugu dambeeyay oo ah ARGAGAX.
Argagixisanimadu waa in qofka saluugo ama ka talaabo heerkii hore ee ahaa in dhinaca kala lala coleeytamo loona muujiyo naceyb iyo kohasho qalbiga iyo afka ama qalinka ah, waxuu doorbidaa isticmaalka xoog iyo dagaal, burburin naf iyo maal, si dhinaca kale loogu sanduleeyo ujeedooyinka la rabo.

Sidoo kale waa daliil cad oo muujinaya fashilka siyaasadeed ama bulshadeed ee uu la kulmay qofkaas ama dhinacaas ku dhaqaaqay argagixisonimada. Assalka waxuu ahaa inuu dib u saxo waxyaabaha ka khaldan ee fashilka keenay ama is dhiibo si cadaalad ah, laakiin waxaa khalday caadifad.

Tusaale la taaban karo waa falkii ka dhacay Garissa horaantii bishan

Falkii bahalnimada ahaa ee bilowgii bishan ka dhacay magaalada Garissa ee ay ku shahiideen Sheekh Maxamuud Cumar Feen iyo Moowliid Cali Digaale iyo qaar kale waxaa sababay caadifad xargaha goosatay oo gaartay derajadii ugu dambeeysay ee akhasnimada (Argagixisanimo). Ciddi doontaba ha ka dambeyso farqi ma laha.

Waxaan rabaa inaan baraarujiyo qodobada soo socda:
1. Shacabka Reer NFD, Gaar ahaan reer Garissa, waan ognahay inad u damqateen si lamid ah sida reer Jubbooyinka, dhibkana waa uu nagu wada dhacay, waxaa idin saaran xil gaarahaaneed iyo in laga shaqeeyo sidii loo soo heli lahaa cadowgii dadkiina gumaaday maalin cad, iyo sidii looga hortagi lahaa mustaqbalka iyo weliba in la soo celiyo sharaftii iyo karaamadii ay ku caanbaxday magaalada Garissa.

Haduu yahay cadow Reer Garissa ah ama yahay mid ka yimid Afmadow iyo Somalia, amaba ka yimid Afganistan iyo Pakistaan farqi nooma laha, qofkii ku dilay waa cadow. Waad hurudaan geeska afrika waxaa la marayaa xilli xassasi ah, nolosha iyo homarkiina dadbaa dhibsanaya, Amaanka waxaa suga shacabka dowlad way caawisaa, PLEASE Polic ha ka sugina sugida amaanka dadkiina.

2. Waxaa jira dad shar wadayaal ah ama ay caadifada sare martay oo iyaga isu arka inay bedqabaan laakiin gaaray heerkii XAGJIRNIMADA. Gaar ahaan marka ay dhacaan falalka noocan ah,waxaan baraarujinayaa in dadka noocaas ah laiska jiro, waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa baraha internetka qaar oo weliba wata magacyo qurxoon laakiin shaqa ka dhigtay kala fogeynta umada iyo in la kala qo’qobo dad wada dhashay.

Gunaanad
Assalka waa in caqliga hago caadifada ee ma aha in caadifada hagto caqliga, sida Soomaalida ku badan.
Marka ay caadifada ka sare marto caqliga waxaa qofka ka lumaa miizaanka iyo toosnaanta, waxaa ku adkaata kala soocidda wanaaga iyo Xumaha, xaqqa iyo baadilka, maslaxada guud iyo middiisa gaarka ah, kontoroolka ayaa ka luma sida Gaari saaran wada Highway ah oo isteerinka u go’ay, markaasuu wax waliba jiraa .

Qofkaas umadana uma roona naftiisana uma roona aduun iyo Aakhiro. Somaalida waxay ku maah’maahdaa “waraabe ilkihiisana uma roona laf meel taalana uma roona” macnaha laf waa laf, maxaa laga dheefayaa! waa ilka la’aan iyo dheef la’aan. Qofka marka uusan awodin xakameynta caadifada islamarkaana seego adeegsiga garaadka Alle ku galladeystay waa mushkilad laga duceysto.

Dowlada Kenya waxaan ka sugeynaa inay noo sheegto Argagixisadii dadkeena gumaaday, ee wassakheeysay taariikhda Magaaladeena, cidda ay u adeegayeen iyo meesha ay ka yimaadeen.

Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print