XAAJO.COM

Ceelwayne Dagmo Cusub oo Deegaanka Soomaalida lagu daray

XOL:Xukuumadda golaha wasiirada DDS ayaa shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaaddeen waxey ku ansixiyeen in tuulada Ceelweyne oo ku taalla dhulka Nogbeed maamul ahaanna hoos tagi jirtey magaalada Dhanaan loo magacaabo iney noqoto dagma cusub.

Magacaabista Ceelweyne ayaa dabasocota xalin khilaaf beeleed oo ka dhaxeeyey beelaha deegaanka iyo dhibaatooyin muddo sanada ah kasocday aagga Raaso.

Dagmada ceelweyne ayaa noqoneysa dagmada 68aad ee Deegaanka waxaana daafaha dunida kasocda damaashaadyo lagu soo dhaweynayo magacaabista ceelweyne iyo xalinta khilaafaadkii Raaso.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print