XOL: Caasimadda Jijiga ee Deegaanka Soomaalida waxaa ka furmay ciyaaraha gobolada Deegaanka Soomaalida halkaasoo ay ciyaartii ugu horeysey isku farasaareen gobolka Godey iyo Gobolka Wardheer.
CIyaartan oo ay fureen isla markaana goobjoog ka ahaayeen madaxsare oo ka tirsan maamulka Kililka iyo masuuliyiinta gobolada ayaa waxaa garoonkii ay ciyaartu kasocotay soo buux dhaafiyey daawadayaal aad ubadan oo sawaxan iyo sacab ku muujinayay kolba kooxda ay taageersanaayeen.
Ciyaarta oo si wanaagsan oo nabdoon iyo ciyaarwanaag ku dhamaatey waxey galinkii hore ee ciyaartu ku dhamaatey Godey oo leh 1 Gool iyo Wardheer oo aan waxba yeelan.
Galinkii danbe ayaa haddana waxaa kooxda Godey usuura gashey iney dhaliyaan gool kale taasoo ciyaartii kusoo gabagebeysay 2-0 oo ay gobolka Godey ku raacdey guushii.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa iney gobolada kalena ciyaaraan. Arintan ayaa Jijiga iyo guud ahaan deegaanka looga arkaa talaabo wanaagsan oo dhalinta ku dhiiri galineysa ciyaaraha waana taalabo wanaagsan.
Xaajo.com