XAAJO.COM

Dooro Codkaagana sii maddaale Yusuf Xasan

Mahad oo dhan Raxmaanka ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa,

daacadnimadda,kartida,dadaalka,waxqabadka iyo damiirka qof aha aneed ayaa ah sifooyin qiimahooda leh laguna kala
garto masuulka dhabta ah oo sida ku haboon u gudanaayaxilka uu dadka u haya gaar ahaan midka loo igmado(loo doorto)
sida Xildhibaanimadda oo kalle.
Hadaba waxeen qormadan maanta ku saabsan tahay doorashada Barlamaanka Dalka Kenya gaar ahaan kursiga Xaafadda Isllii oo uu xildhibaan ka yahay hadana u taagan yahay halyeey-Mudane- Yuusuf Xassan oo ah muwaadin Somaali/Kenya kana mid ah inta tiradda yar ee golaha barlamaanka Kenya oo sida gaarka loogu amaanay gudashada  ilkiisa,daacadnimadiisa iyo kartidaba si cad oo muuqata u soo shaaciyeey codka iyo qadaiyada dadka xaafadaas degan gaar ahaan Somaalida kana shaqeeyeey horumarinta xaafadda hadii eey noqon laheyd dhanka wadooyinka,nadaafadda iyo hanaanka amaankeedaba iyo ku dadaalida gudbinta codka bulshada Somaaliyeedwaana arrimo ahamiyadooda leh amaan,bogaadiin iyo mahad-celinba ku mudan yahay Halyeey-Xildhibaan-Mr-Yuusuf Xassan dib u doorasho mudan yahay-Odayaasha Guurtidda, Ganacsatadda,Aqoonyahanka, Haweenka,Dhalinyarada iyo guud ahaanba bulshada somaaliyeed ee Xaafadda Islii degan waxaan ku boorinaayaa anigoo ka duulaaya kana turjumaaya ahamiyada iyo qiimaha doorashada barlamaanku leedahay
iyo sida eey ugu baahan yahay shakhsi codkooda qiimihiisa garanaaya duruufahooda iyo dhibaatooyinka eey qaban ka war haya,laguna aamini karaayo metelaado kalsooni lagu qabi karaayo in eey mar labaad siiyaan Codkooda qiimaha weyn leh Halyeey-Xildhibaan-Yuusuf Xassan iyagoo ku xisaabtamaaya xaaladaha is-bedelkooda leh(Tusaale ahaan Dhibkii dhowaan xaafadaas ka dhacay)iyo kaalintii masuuliyada laheyd oo uu Xildhibaanku ka qaatay difaacidda Nafta iyo Hantida Somaaliyeedba.
-Walaal Sii Codkaaga Halyeey-Xildhibaan Yuusuf Xassan.
-Walaal Garro qiimaha Codkaagu leeyahay.
-Walaal Qiimeey dadaalka,daacadnimadda iyo kartida Xildhibaanka.
-Walaal Marka koowaad Naftaada,Qoyskaaga iyo Hantidaada u hiilii.
-Walaal Dooro Ma Daalle Xildhibaan-Yuusuf Xassan.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Nov-27-2012.

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print