XAAJO.COM

Culimo soo gaadhay caasimadda Jijiga, Muxaadarooyina ka jeediyay

XOL: Culimo waaweyn oo illaahay cilmiga diinta ku manaysate ay horkacayaan sheekh Maxamed Cumar Dirir iyo Sheekh Axmed Cabdi Samd ayaa soo gaadhay magaalada Jijiga iyagoo horey kasii bilaabay muxaadarooyin diini ah oo ay dad aad ubadan u soo xaadireen.  Culimadan oo soo gaadhay caasimadda Jijiga 30kii Bisha Nov ayaa waxey wali ku guda jiraan muxaadarooyin isdaba joog ah oo ay dadka uga faaiideynayaan.

Sheekh Cumar Dirir iyo Sheekh Axmed Cabdi Samad oo kamid ah culimada ugu caansan ee Soomaaliyeed ayaa waqtigooda usoo hurey iney walaalahooda la wadaagaan cilmigooda isla markaana ay baraarujiyaan wanaagga iyo waxqabadka. Hayadda Al Sunnah oo iyadu maamulaysa socdaalka culimada ayaa sii iclaamisey imaatinkooda iyo waliba jadawalka Muxaadarooyinka taasoo keentey in dad aad ubadan soo xaadiraan.

Muxaadarooyinka oo ka dhacay masjidka Weyn ee Al Nuur ee ku yaalla xaafadda saddexaad ayaa Sheekh Dirir waxay muxaadaradiisu kusaabsaneyd Cinwaanka ah علامات ضعف الإيمان وعلاجها

Xalay ayay ahayd ahayd markay soogaadheen magaalada jigjiga culimada ugucaansan geeska afrika gaar ahaan bulshada soomaaliyeed dhaxdeeda,.kadib markay soogaadheen culimadu magaalada ayaa waxaa horay kasiigaleen muxaadaro ay HAY,ADA AL.SUNA EE ARIMAH ISLAAMKA.sii iclaamisay .uu kuqoraa sh\maxamed cumar dirir. cinwaan keeduna ahaa () koobata ay muxaadaradu kadhacaysay oo ahay masaajidka NUUR eek u yaala xaalafada sadaxaad ee magaalada. Bulshada ku nool magaalad jigjiga oo culimada sugila,ayd ayaa waxaala siibuuxiyay dhamaan sadaxda dabaq uu masaajidku ka koobanyahay iyada oon raga & dumarba lookalhadhin,dadka meesha isuguyimid ayaa laga dheehannay wajigooda farxad & raynrayn ay uqabaan culimadooda.waxaa xusid mudan markuu sheekhu dhameeyay muxaadaradii in dadkii laga bixin waayay masaajidkii ay muxaadaradu ka dhacaysay iga ooraba in ay culimada salaamaan.

Intaa kadib waxaa culimada horay usiiqaaday masuuliin katirsan HAY,ADA ARIMAHA ISLAAMKA (AL.SUNA ) EE,D.D.S.ITOOBIYAiyaga oo geeyay hoteelka Mellenium  oo loo siidiyaa riyay kadibna waxaa bilawday shir iswaraysi ah ooy labada dhinac is dhaafsadeen.

Saaka oo isniin ahna waxay booqasho kutageen xafiiska hay,ada &macadka Alnibraas iyo goobakale oo muhiim ah.

Xafiiska warbaahinta ee HAY,ADA( ALSUNA)

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print