XAAJO.COM

Dad shacab ah oo lagu laayay duleedka Dhanaan

XOL: Warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxaya degmada dhanaan ee gobolka Shabeele  dad la sheegay in lagu laayey  tuuladda Qorra oo qiyaastii degmada Dhanaan u jirta 20km, wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda la xaqiijiyey hal qof oo dhimasho  ah halka laba qof oo kalena la layahay.

Warkan oo  aan wali faahfaahin rasmi ah laga haynin, ayaa naloogu sheegay  magaca qofka dhintay C/qaadir Axmed Xaaji halka labad lalayahayna mid ka mid ah naloogu sheegay Muxusin C/dhuub. Arrintani ayaan la ogeen cidda ka  dambeeysa wallow ay jiraan falal ceynkan oo kala  ah   oo horey oga dhacay tuulooyinka ku xeeraan degmada Dhanaan.

Warkan iyo wixii kusoo kordhaba kala soco wararkaanaga dambe hadii uu alle idmo.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print