XAAJO.COM

Dan gaar ah udurbaan tumayaasha xageey kudambeeyni doonaan? w/q sharmaarke m.elmi

Waxaa sanadii udambeeyay kusoobadanaayey warbaahinta kawaranta arimaha deegaanka soomaalida itoobiya qoraallo ay qorayeen shakhsiyaad kamid ah akhristayaasha warbaahintaasi iyo sidoo kale qaar ay sitoos ah uqorayeen maamulayaasha ama mulkiiyaasha warbaahinadaasi(mareegahaasi)taasoo ay kutaageerayaan amabo kaga horimaanayaan shakhsi ama koox ama qabiil kamid qabaailada wada dega kililka shanaad iyagoo mar walbo difacaya danno gaar ahaaneed .

Haddabo, waxaan qormadani kudoonayaa inaan tooshka ku ifiyo kuna abuuro dood ku aadan dadka caadeystay udurbaan tumida danaha gaar ahaaneed balse gabaadka ka dhigaanaaya iney matalayaan dadka deegaanka iyo sida loo joojin karo dhibaatada ay shacabka deegaanka ku hayaan shaqsiyaadkani labbo wajiilayaasha ah kuwaasoo qaar kood aan lafahmi karinbo halka ay ujeedaan iyo waxa ay tiigsanayaan..

Mareegahani iyo shaqsiyaadkani waxaad arkaysaa iyagoo mararka qaar qoraya qoraallo ay qollo ama shakhsi kutaageerayaan amabo kaga hor imaanayaan haddana, maalmo kadib soo dhigaya sheeko toodii hore burinaysa waxaad layaabaysaa marka aad aragtid bogg uu maamulkiisii sheegaayo inuu ka tanaasulay waxii uu hore uqori jiray hadda kadibna uusan unoqonaynin balse maalmo kadib un halkiisii kasii wadaayo asagoo sheeganaayo inuu waayay danno uulahaa!waxaa kaloo layaab leh inaad aragtid qoraa muujinaaya inuu isdhiibay oo hadda kadib uusan qori doonin qoraaladiisii hore iyo wax lanooc ah toona haddana maalmo un kadib boorka ka jafaaya erayadiisii hore isagoo sababsanaayo arin uu damacsanaa uu kawaayay ciddii kushaqada lahayd ,intaa kaliya ma ahee waxaa wali mareegaha qaar kabuuxa warar iyo macluumaad hore oo ay uga wax sheegayaan cid ay haatan caleemo saarayaan taasi oo ah waxay soomaalidu kaducaysanjirtay oo ah ILAAHOOW AFKAAYNA HAA iyo MAYA MAR QUDHA AH HA KA WADA KEENIN!

Ugu dambeyn waxaan jeclaan lahaa inaan su’aalahaan ooga baxo iney ka doodaan amabo falanqeyn dheeraad ah kusameeyaan dadka aqoonta fiican uleh aadkana ula socdo arimaha deegaanka soomaalida itoobiya

1. sidee arintaasi labbac labaclaynta ah meesha looga saari karaa loono helli karaa muwaadiniin leh haddaf cad oo muxaacaradnimo ah amabo muxaafidnimo ah?

2. maxaa dadkan udiidan iney dhex-dhexaad ahaadaan oo kolbo ciddii khaldan ee saxid ubaahan saaxiibkoodna ha ahaadee farta ay ugu fiiqaan bulshada amabo hal meel ku adkeystaan haddaynan aamusi kareeyn?

3. Saameyn intee la eg ayayse ku yeelani kartaa sumcada boggaasi ama qoraagaasi labbo wajileeyntaas?

4. suurto gal matahay in qofkastaa amabo koox kastaa kahesho xukumada deegaanka soomaalida itoobiya haddbo wax ay jeceshahay?

5. shaksiyaadkani mawaxay kuxisaabtamayaan in dadka akhrisanayaa ay yihiin oo qudha kuwo ay deegaan amabo heyb amabo mabda’ wadaagaan ?

6. sideey ku qancin karaan amabo kusoo jiidan karaan dadka dhexdhexaadka ah ee mar walbo daneeynaya danaha guud iyo waxii maslaxo caam ah ku jirto?

7. Qadarin intee la eg ayay siiyaan dadkii hadafkooda ku raacsanaa marka ay qaadanayaan go’aan kasoo horjeeda kii ay hore ugu howl-galayeen ?

8. Miyeyna habooneyn iney caddeeyaan marka horebo ineey udagaalamayaan oo kali ah dan gaar ahaaneed haddii ay ku guuleystaana ay xili kasto ka noqoni doonaan mowqifkooda dadkana uga digaan inayna is raacinin qoraaladooda owr ku kacsiga ah?

9. Waa maxay waxa u dhaxeeya inuu qofku sitoos ah utaageero amabo ugasoo horjeedsado DDSI iyo inuu dhexdhexaad ahaado isagoo mar walbo hor marinaya danta guud ee ummada? Waxaan rajaynayaa inuu mowduucani noqdo mid aad loo qaadaa dhigo ugu dambeynta xal waara loo hello insha allaah.

W/Q Sharmaarke M.Elmi
E-mail:-kililka@hotmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print