Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net

 



              

Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Main Menu
Dhacdooyinkan murugo leh. Maxaa keenay?
Maqaal

 

 

Cashiradan hoose ee kombiyuuterka waxaan kasoo xiganay Somalitech.com
-------------------------
Sideen u joojin karaa Internet Explorer error report?

Horudhac iyo isticmaalka jiirka (mouse)

Habaynta Desktop-ka kombiyuuterka

Sideed u nadiifin kartaa kombiyuuterka?

Masixidda barnaamijyada aadan u baahnayn(uninstall)

Sideed kombiyuuterka ugu celi kartaa sidii hore (WinXP System Restore)


»ONLF oo dishey 7 ruux, 12 kalana ku dhaawacdey aagga magaalada Iimey 25.03.06
XOL: Wararka naga soo gaadhaya gobolka Godey gaar ahaan magaalada Iimey ayaa waxaa laga sheegayaa in ciidamada Jabhadda ONLF ay dileen dad gaadhaya Todobo ruux oo udhashey deegaanka Iimey ayna ku dhaawaceen 12 ruux, kadib markii ay xabadeeyeen labo baabuur oo mareysey jidka u dhaxeeya tuulada Abaaqarow iyo Iimey.

Dadkan ku dhintey falkaas ay geysteen ciidamada ONLF ay dhamaantood kasoo jeeda aaggaas lagu laayey iyadoo ay kamid tahey qof dunmar ah dadka dhintey. Illaa iyo hadda lama oga sababta keentey in jabhaddu leyso dad intaas dhan kuna furto rasaas dad saaran baabuur. Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka baabuurta saarnaa ay qaarkood hubeysnaayeen oo aan la garaneynin cidda bilaabey rasaasta.

Dadweynaha Ogadenya gaar ahaan kuwa deegaanka Iimey ayaa aad uga xumaadey falkan lala beegsadey dad shacab ah oo baabuur saaran iyadoo aan loo aabba yeelin. Illaa iyo hadda wax jawaab ah kama soo bixin dhanka ONLF oo kusaabsan dhacdadaas. Ma aha markii 1aad ee baabuur meel mareysa dad lagu laayo, dabadeedna dib la iska weydiiyo cidda bilowdey rasaasta.

Xaajo.com

Print This Article     comments (0)

Name:
Email:

 

 

| Forget Me
   

 

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 Next >>

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com