»Warka saxda ah ee maagalada Boodhcaano iyo magacyada dadka ku dhintey halkaas
XOL:Maanta niskii hore ayaan waxaan soo qorney in magaalada Boodhcaano oo hillaaddii 20-meeyo KM uijirta magaalada Godey ay weerareen ciidamada ONLF halkaasna ay kudileen dad kuna dhaawaceen qaar kale anagoo ka cudurdaaraneyna tiradii dhimashada iyo dhaawaca oo intaas ka yareyd.Wararka aan hadda heleyno oo lagu kalsoonayahey ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay tahey 2 nin oo magacyadoodu ay yihiin
1-AFTARAANLE MAAX: oo ahaa nin dhalinyaro ah, dadiisana lagu qiyaasey 29-31 jir. 2-BASHIIR SHEEKH CABDIi, oo da yaraa, cimrigiisana lagu qiyaasey 21-23 Jir.
Waxaa sidoo kale ay ciidamadii ONLF ee halkaas weerarey ay nolosha kula tageen nin oday ah oo layidhaahdo magaciisa: BEELDHAAN MAHAD IBRAHIM (MAHAD QODOBLE) oo da' ahaan jira 55-60 sano, ahaana nin xanuunsan oo aad looga yaqaano deegaanka Boodhcaano.
Xagga dhaawaca ayaa waxaa la xaqiijiyey iney tahey Saddex nin iyadoo warkii hore ee saaka aan qorney uu kabadnaa intaas, dadkaasoo ubadnaa dad nabaro badan oo cararkii ah ay soo gaadheen ee aysan aheyn xabad ku dhacdey.
Mar aan wariyaha bogga xaajo ee Godey wax kaweydiiney sababta keentey weerarka ayuu noo sheegey in magaalada Boodhcaano oo dadaal dheer ugu jirta sidii loogu aqoonsan lahaa dagmo ay biloowdey in magaalada laga qoro niman maleeshiyo ah kuwaasoo meeshaas ku sugnaa in muddo ah. Ciidamada ONLF oo ka warhelay joogitaanka maleeshiyadaas ayaa soo weerarey magaalada.Sida ay dad goob joog ahaa u sheegeen wariyaha Xaajo nimankii Maleeshiyada ahaa ayaa isla markiiba hubkiina daadiyay cagahana wax ka dayay maaddaama oo ay garanayeen nimanka soo weerarey iney yihiin ONLF.
Dhalinyaro badan oo magaalada joogtey ayaa iyagu isku dayay iney caabiyaan ciidanka soo weeraray sidaas ayayna ku dhinteen wiilashan labada ah oo ahaa dadkii magaalada oo aan aheyn nimankii Maleeshiyada ahaa. Mid kamid ah dhaawaca ayaa yidhi waxaan u maleyney iney ahaayeen qabiil kale oo magaalada soo weeraray maaddaama oo ay xabad uun naqabatey. Sidaas ayaana ku qaadanay qoryaha.
Wararku waxey intaas ku darayaan nimankii Maleeshiyada oo qoryahoodii ka cararey ay duurka aadaan iyago ka cabsadey iney dib ugu laabtaan magaalada Godey maaddaama oo ay qoryahoodii ka carareen oo ay INLF qadatey.
Aaskii labada wiil ayaa maanta kadhacey magaalada Godey iyo dadkii dhaawaca ahaana la geeyey Isbitaalka magaalada Godey. Ciidan beeleed badan ayaa kadaba baxey ciidankii ONLF ee latagey odayga, illaa iyo haddana lama oga meel ay isla gaadheen.