»Muxumednuur Sulub Muxumed Cali oo ay ciidamada Tigreegu ku dileen tuulada Qudhacmeydal ee gobolka Nogob
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Nogbeed ayaa sheegaya in ciidamada Tigreegu ay nin shacab ah ay ku dileen tuulada Qudhac Mayedal oo aan ka fogeyn magaalada Fiiq. Ninkan oo ahaa nin ganacsade ah oday aadna looga yaqaanay deegaanka ayaa waxey ciidamadu dileen isagoo gurigiisa iska horfadhiyo wax danbi ah oo lagu diley ama lagu soo oogeyna uusan jirin.
Marxuumkan ayay ciidamada Tigreegu ajaleen kadib markii ciidan badan ay kabaxeen magaalada Fiiq markii ay gaadheen tuuladaasna ay ninkan oo gurigiisa horfadhiya rasaas oodda kaga qaadeen. Muxumed Nuur Sulub Muxumed Cali waxaa ladiley 11kii bishan sababta kaliya ee lagu dileyna waxey aheyd inuu joogey meeshuu ku dhashey, kuna noolaa ee waxuu galabsadey oo kale aysan haba yaraatee jirin. Marxuumkan oo ka tagay xaas iyo caruur farabadan oo illaahey mooyee cid umaqan jirin. Muxumednuur waxuu aahaa ganacsade aaminey dhulkiisa halkaasna ku lahaa beero jaad ah iyo muqaaxi weyn oo ay tuuladaas oo dhami isugu imaan jirtey.
Shacabka Ogadeya ayaa si joogta ah ay ciidamada dawladdu u gumaadaan kuna toogdhistaan iyagoo wax laweydiiyaa aysan jirin. Dhulka Miyiga ah ayaa waxaa si joogta ah uga dhaca falal naxdin leh oo ay ciidamadu geystaan iyadoo aysan jirin waxwar ka helaa, haddii laga helana aysan jirin wax dabagali karta.
Waa ladiley, waa laxidhey, waa la gubey, miinaa lagu qarxiyey, waa laqaatey, meyd baa lahelay iyo waa la marjiyey ayaa ah wararka ugu badan ee deegaanka Ogadenya ay kasoo wariyaan warbaahinta u kuurgasha arimaha deegaanka.
Ugu danbeyn maamulka boggan xaajo waxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, caruurtii iyo qaraabadii uu ka baxey marxuum Muxumednuur in eebbe samir iyo iimaan ka siiyo, isagana janadii eebbe geeyo. Aamiin