Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net

 



              

Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Main Menu
Dhacdooyinkan murugo leh. Maxaa keenay?
Maqaal

 

 

Cashiradan hoose ee kombiyuuterka waxaan kasoo xiganay Somalitech.com
-------------------------
Sideen u joojin karaa Internet Explorer error report?

Horudhac iyo isticmaalka jiirka (mouse)

Habaynta Desktop-ka kombiyuuterka

Sideed u nadiifin kartaa kombiyuuterka?

Masixidda barnaamijyada aadan u baahnayn(uninstall)

Sideed kombiyuuterka ugu celi kartaa sidii hore (WinXP System Restore)


»Nimankii lagu diley South Afrika iyo booliska South Afrika oo dhaawacey wiilal kale oo Somali ah.
XOL:Wararka naga soo gaadhaya Waddanka South Afrika gaar ahaan magaalada Cape Town ayaa sheegaya in niman tuugo ah ay ku dileen magaalada Kaylitshta labo wiil oo midna ahaa ninkii iska lahaa dukaanka ay tuugadu soo galeen midna uu ahaa wiil ka shaqeynayay. Waxaa kale oo iyana isla goobtaas ay ciidamada Booliska ee South Afrika ku dhaawaceen labo wiil oo kale oo ahaa dhalinyardii goobtaas ku yaacdey si ay u arkaan dhibka gaadhey walaaladood.

Sugoow Saalax Coloow oo ahaa wiilkii iska lahaa dukaanka ayaa iyo Siyaad Shukri ayaa ay nimankii tuugada ahaa labeegsadeen rasaas halkaas oo ay labadaas marxuun ku nafwaayeen. Falkan labadan wiil oo ilma adeer ahaa lala beegsadey ayay wararku sheegayaan in ninka dukaanka iska lahaa lagu diley banaanka dukaanka meesha wiilka shaqaalaha ahna lagu diley gudaha dukaanka halkaas oo ay tuugadii qaateen wax alla waxii hanti tiiley dukaankaas.

Booliska magaalada ee dawladda oo goobtii soo gaadhey ayaa amrey dadkii kusoo xoomey dhacadada oo ahaa dhalinyaro Somali ah iney meesha ka tagaan sida ugu dhakhso badan. Dhalinta oo sida lasheegey aad u gadoodsanaa kana xumaadey dilalka joogtada ah ee lala beegsado Somalida ayaa ku gacanseydhay booliska diideyna iney meesha katagaan. Booliska amaanka ee goobtaas joogey ayaa dadkii halkaas joogey rasaas oodda kaga qaadey halkaas oo ay rasaastaasi haleeshey labo wiil oo kamid ahaa dadkii meeshaas kusoo yaacey. Labadan wiil ayaa magacyadooda lagu sheegey C/khaddar Bashiir Sheekh Cabdi iyo Cabdullahi Miraad Nuur
Illaahey naxariistiisii hasiiyo wiilashaas ehelkii iyo qaraabadii ay katageenna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Aamin

Xaajo.com
South Afrika

Print This Article     comments (0)

   

 

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 Next >>

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com