XAAJO.COM

Dr Cabdiraxman Cawaale Xasan oo Wareysi siiyay ESTV

XOL:Dr. Cabdiraxmaan Cawaale Xasan oo ah aqoonyahan ku takhasusay cudurada faafa ayaa wareysi dheer siiyay telefeshinka ESTV ee xukuumadda Deegaanka Soomaalida. Dr.Cawaale oo ah aqoonyahan qurba joog ah waddankana u jooga inuu aqoontiisa iyo cilmigiisa uga faaiideeyo dadka iyo dalka ayaa waxuu si toos ah uga jawaabayay su aalo badan oo ay daawadayaasha deegaanku soo waydiinayaan.

Su aalaha ay daawadayaashu soo waydiinayeen ayaa ubadnaa cudurka Malaariyada iyo sababaha keena, sida la isaga daaweeyo iyo calaamadaha lagu garto.

Dakhtarka oo si faahfaahsan uga jawaabay dhamaan su aalihii ay soo weydiiyeen daawadayaashu ayay dhamaan dadkii daawaday ay si wanaagsan ugu farxeen ayna u mahadceliyeen dhakhtarka.

Dr. Cabdiraxmaan Cawaale ayaa qorsheynaya inuu shaybaadh khaas ah ka furo magaalada Jijiga kaasoo uu rabo inuu dadka deegaanka uga faaiideeyo aqoontiisa. Waa tusaale wanaagsan loona baahan yahay in dadka deegaanka wax ubartey ay dib ugu soo laabtaan.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print