XAAJO.COM

Faafinta taariikhda iyo suugaan colaadeedka? F. Geeydh

 Dhamaantiin waa idin salaamayaa bulsho weynta soomaaliyeed, bil soon ahna way soo dhawdahaye, Ramadaan kariim baan idin leeyahay dhamaantiin, meel kastood joogtaanba. Maqaalkan oo kooban oon waliba isku dayi doono inaan koobo, wuxuu ku saabsanyahay qoraaga soomaaliyeed ama wariyaha soomaaliyeed aan idhaahdee ee la yidhaa Axmed Faarax Cali ”Idaajaa”. Idaajaa si ahaantiisba waxaynu ku naqaan inuu yahay nin suugaanta uruursha , deetana tebiya oo mujtamaca usoo gudbiya, hiddiyo dhaqankii soo jireenka ahaana wax ka tusa. Hiddiyo dhaqanku waa balaadhanyahay, Khaasatan suugaanta, oo khaasatan Gabayada ah way fara badanyihiin. Faro badnidaas ayaana sahli karta in jaad walba loogu tego haddii la dhex xulo, waa kaftan, waa cay, waa amaan, waa xad-gudub beelo kale lagu xad gudbayo,waa gar qaadasho, waa faan iyo goodi iwm. Xiligan aynu marka maanta ku jiro, ma haboontahay in la faafiyo ama mujtamacan soomaaliyeed ee qabiilku ku habsaday, loo soo gudbiyo suugaan colaadeed oo laba qabiil isku hardineyso, ama qabiil wax lagaga sheegayo. Idaajaa wuxuu ka shaqeyn jiray Akeedhimayadii fanka iyo suugaanta, halkaas oo uu ku daabacay buugag badan. Buugaagtaas waxaa ka mid ahaa, Diiwaanka gabayada Ismaaciil Mire ”1974”, Xiin Finiin ”1975” iyo Buugaag kaloo ka sheekeynayo suugaanta guudba. Intii qurbaha la yimidna wuxuu daabacay ”diiwaanka gabayada Aadan Carab” iyo Buug ku saabsan ”Mataan Ciideed”. Waxaan marka fursad uhelay inaan akhristo buuga mataan ciideed, anigoo isleh tolow buugaan ma gabayo mataan baa ku daabacan oo waa diiwaan sida kuwii horre oo kale ah?. Nasiib daro uguma tegin Gabayo’e, waxaan ugu tegay sheekooyiin dhiig ka da’ayo oo wada masiibooyin soo dhacay ah. Mataan sideeynu wada garan karnaba, xiligii uu noolaa waa qarnigii ”Gardarada iyo Maaga” meesha uu mataan ku noolaana waa Haro Garduur iyo Hawd, oynu garaneyno in deegaankaas Hawd ahi ahaa meel balaayadu ka askumato, fadhiyini jireen Sadex qabiil oo laf dhuun gashay isku ah, Ogaadeen, Dhulbahante, Isaaq, Nin fulayna ahna aan deegamadaasi waxba u ool.

Mataan marka wuxuu ahaa nin loogu talo galay xiligaas oo tusaale fiican inoogu ah noloshii ragaasi horre ee deegamadaas soo noolaayeen. Mataan wuxuu ka mid ahaa ragii ku maah maahi jiray ” Gamaankaagu yuuse ku ciilin , Galab weerar ha deynin, Geelna soo heli waayin” intaasaa inagaga filan marka ragaas. Mataan Ciideed sheekooyin badan buu lahaa, Tu shisheeye iyo Tu Sokeeyaba, Tu Wakhti Jahli iyo Tu wax laga faa’idi karaba, idaajase ma dhuganine, Tii ugu darayd unbuu ka anba qaaday. Markaas baa intaan dib ubooday is idhi, Malaha idaajaa isku-dhufasho qabiil buu wadaa? Hebel baa hebel sidan yeelay oy laba kala tirsadaan, iyo reer hebel baa sidaa yidhi, Buug dhan ood mooddo uun inuu uga dan leeyahay uun inuu laba qabiil oo walaalo ah madaxa isu huwiyo. Mar aan la kulmayna waanu soo wada hadal qaadnay arintaas iyada ah, hada marka maxaa igu dhalilay maqaalkan? Waa idaajaa oo mar labaad arintaas iyada ah ee Mataan Ciideed ku saabsan bilaabay inuu ka soo tebiyo Barnaanimjka suugaanta ee VOASOMALI, maalin walboo arbaca ah, 4’ta Galabnimo. Idaajaa taariikhdan uu ka sheekeynayo, Aqoon uma laha, Deegaan lama wadaago, Hayb lama wadaago aan ka ahayn ta 40 oday markii lasoo tirsado ”Daarood” laysugu imanayo.

Waxaabana kasii daran, Yaa idaajaa uga sheekeeyay taariikhda Mataan Ciideed, Ma nin mataan la dhashay baa, waa maya, Ma nin Mataan ay tol guud ahaayeen baa maya, Ma nin Mataan ay is arkeen baa, Waa Maya, Waa kuma marka? Waa Maxamed X. Xuseen oo ku magac dheer “Sheeko-Xariir” 1981, waa oday allaha unaxariistee udhashay beesha sheekhaash, deegaan ahaanse Reer Qabridahare ahaan jiray. Imisa nin baad umaleyneysaa inay taagneyd xamar iyo soomaaliyaba oo ab iyo isirba aad usokeeyaba ay mataan wadaagaan oo laga qori koray taariikhda Mataan Ciideed, Jawaabtu waa Boqolaal oday baa taagneyd oon sheekada si guracan utebisaan, Taariikhihii badnaa ee mataan wada qori lahaa, een tan kali ah ee Mataan iyo Nuur Jiir uun ku hakadeen, Marka dareen wayn bay leedahay taasi lafteedu sababta idaajaa, Hal il uga kasoo xigtay Sheeko-Xariir alaha unaxaariistee, sideedabana sheeko qoysas badan iyo xiisad noocaas ah leh, Hal il wax lagama qori karee, Dhowr ilood baa la cuskiyaa taariikhda, waliba dadka ay quseyso baa laga qoraa ee awoowyadood ka qayb qaateen dhacdooyinkan. Wixii laga yeeli lahaa ninkaasi wuxuu ku kacayo ee uu sameynayo ee uu faafinayo, waa hawl inoo wada taalaan filayaa, khaasatan Beesha ku abtirsata Qabridahare.

FaaraxGeeydh@hotmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print