XAAJO.COM

Faallo: Sidee loo arkay khudbaddii Madaxweynaha DDS?

Dadweynaha udhashey deegaanka Soomaalida ee ku nool dal iyo dibadba waxey faallooyin kala duwan ka bixiyeen khudbaddii dheereyd ee madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar oo ka jeediyey 2dii bishan Sept goobtii tacsida iyo aaska ee aduunku ku shirsanaa. Magaalada Jijiga oo ah meelaha loogu hadal heynta badnaa ayaa loo arkey iney ahayd arin taariikhi ah guulna u ah shacabka iyo deegaanka Soomaalida guud ahaan taasoo asteysey kamid ahaanshaha nadaamka federaalka ee Ethiopia.

Khudbadda micnaha ay xanbaarsaneyd kasakoow waxay dad badan aad ugu yaabeen in madaxweynaha DDS laga soo xushey Deegaano badan oo isagu ku hadlo afkooda iyadoo loo arkey iney tahay dhawr arimood miduun: In Shucuubta Ethiopia ay arkaan in Soomaalidu ugu danbeyn ku faraxsan tahay nadaamka ismaamulka ayna tahay guul la gaadhey in maanta qawmiyadda Soomaaliyeed ay ku faanaan kamid ahaanshaha Ethiopia iyadoo madaxweyne Cabdi uu ku dheeraadey in Ethiopia ay Ethiopia ku tahay nadaamka ogolaanaya xaquuqda iyo dhaqamada kala duwan ee dastuuriga ah.

Iyadoo ay madasha ku sugnaayeen dad aad ubadan oo mansabyo badan oo kala duwan muhiimna ka haya dalka iyo Kililada ayaa haddana hadhka oo cad, loo yeedhey Cabdi Maxamuud Cumar kaasoo ay daawanayeen dhamaan shucuubta Ethiopianka ah meelkasta oo ay joogaanba iyo caalamkaba.

Mid kamid ah dhalinyarada kusugan Jijiga ayaa sheegey iney tahay guul khudbaddii madaxweynuhu ” meeshii uu Mingistu uga dhaaran jirey Qawmiyadda Soomaalida kuna dhaaran jirey laynta shacabka ayuu maanta Madaxweynaheenu ka hadlay” ayuu yidhi

Magaalada Jijiga ayaa lagu xiray Muraayado waaweyn oo laga daawanayay shirka iyo khudbadaha kasocda meesha taasoo la arkayay dad badan oo ku xoonsan Muraayadaha la iska arko.

Dastuurka u yaalla dawladda Federaalka Ethiopia ayaa qiraya xuquuqaha shucuubta kala duwan isagoo ogolaanaya illaa heer go’itaan kaasoo ku asteysan qodobka 39aad.

Waxii la doonaba ha la sheegee waxaa muuqata in Deegaanka Soomaalida iyo inta badan shacabku garwaaqsaday iney soo qabtaan waqtigii dhaafey iyagoo suxul iyo lugba u duubtey iney qaleeyaan waxii hormar ah ee dhaafey intii ay iyagu isku maqnaayeen.

Dhawrkii sano ee ugu danbeeyey ayaa waxaa muuqda hormar aan la inkiri karin oo dhinacwalba iyo kaabayaal dhaqaale oo bilaw ah oo dhexda maraya.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print