XAAJO.COM

Faallo:Kooxda Asmara heshiis mise isdhiib 28 sano kadib DASTUURKA?

Waxaa saxaafadda lagu shaaciyey muddo badan oo ay huursaneyd kadib in garabka uu Maxamed Cumar Cismaan hoggaamiyo ay heshiis iyo wada hadal bilaw ah la galeen Ethiopia ayna ku shireen dalka Kenya iyadoo loo balansan yahay shirar kale. Ugu horeyn dalka iyo dadkaba waxaa ugu jira faaiido iney soo dhamaato madisho manoolaysada buuraha qari jiqood aan dhaafin, balse waxaa ubaahan in bulshada waddanka udhalatay ay isweydiiso su’aalo aad ubadan oo ay tahay in la weydiiyo raggii shalay ahaa Naftood hurayaasha, Raggii shalay lahaa Ethiopia ayaa kala tageysa, Raggii dabka ku shubayay dhalinyarada, kuwii lahaa calankii iyo xornimadii way timid oo waatanba. Su aalahan iyo kuwa kale ayaan kusoo qaadaneynaa qormadan inagoo dib u eegeyna shalaydii qoyaneyd iyo maanta meesha ay kooxdani mareyso marka la eego heshiiska ay sheegeen iney la galayaan Ethiopia.

Ma runbaa heshiisku?
Heshiis iyo wadahadal wuu jiraa waana loo baahan yahay in badanna warbaahinta Xaajo way ogeyd wayna ka warheysay balse waxay inkiraanba hal mar ay Gaas dhagoolayaashu ku baraarugeen iney run tahay kadib markii dhawr maalmood gudahood ay ku anfariireen madaxda kooxdani ay ku celceliyeen waan heshiineynaa waan heshiineynaa wuu jiraa wadahadal iwm. Balse waxaa intaas dheeraa iney saxaafadooda ku shaaciyeen qaabka wada hadalku u dhacay, waxa laga doodey iyo meesha loo socdo.

Wasiirka Warfaafinta Ethiopia ayaa wareysi ku sheegey in wadahadal lagaleen ururkaas kadib markii ay tilmaameen iney diyaar u yihiin iney Dastuurka Ethiopia wax ku qabsadaan ayna nabad qaataan. Hadalka Wasiirka kadib ay saxaafadda taageerta kooxdani ay shaacisey wadahadalka waxeyna sheegeen iney wada hadalayaan Kenyana ay marti galisey ujeedaduna tahay sidii loo Caddaalad iyo amni loo heli lahaa.  Bal u fiirso qodobadan ay ku shaaciyeen warbaahintooda iyagoo ku faanaya wadahadalka bilawga ah. Qodobka labaad oo sharaxaya ujeedada wadahadalka ayaa sidan u qoran

2. “The common goal of the afore-mentioned negotiations shall be the attainment of a just and lasting peace;”

” Ujeedada guud ee wadahadalka waa inuu noqdo hiltaanka caddaalad iyo nabad waarta.“  Bal aad ugu fiirso qodobkan, Saw ma ahayn iney dhahaan ujeedada wadahadalku waa helitaanka xornimo Taam ah.  Ma xaquuq bay rabeen mise Xornimo?. Saw ma muuqato in xeedhada salkeeda la isugu yimid. Khalad ma ahan iney hadda gartaan hadda 28 sano kadib iney lama huraan tahay ugu danbeyn balse waxaa khalad aheyd in horaantii 90aadkii ay calan ay heysteen iyo waddan ay maamuleen, dastuur ay wax ka qoreen ay intey kilkisha gashadeen ay garigoan la aadeen. Waxaa khalad ah iney shalay dad iyo culimo ku caayayeen iney Ethiopia la heshiiyeen ayna qaateen dastuurka Ethiopia.

Ma isdhiib mise heshiis?

Waxaa xaqiiqo ah ninkii waxgaran uu waxgaranayo, ninkii kalena yeelkiisa! Balse waxaa layaab leh in dadkii intaas oo dhib ah dadka mariyey ay maanta 28 sano kadib ay dhaheen Dastuurka Ethiopia ayay dantu ku jirtaa. Waa dastuurkii hadhkoo cad duurka laga galay iyadoo waddanka la heysto mise isagii ayaa is baddalay oo si kale loo dhigey. Shalay ayay ahayd markii ay lahaayeen UWSLF way is dhiibtey oo majiro wax heshiis ah magalin iyo waliba cay badan oo aannaan halkan kusoo koobi karin isla markaana gaadhay culimada ugu waaweyn geeska Afrika.

Sanadkii 2005 ayay ahayd markii guurti karaamo leh oo deegaanka udhashey ay dawladda Ethiopia soo dirtey waxaan ogeyn meeshii ay  la mareen iyo sidey u dhaqmeen. Saw ma odhan karno waa nabsi in maanta waxii hees ahaa iyo halaag ahaa ee lasoo maray ay maanta ku noqdaan meeshii ay kasoo bilaabeen.

Caqliga danta ayaa xukunta

Waxaa layidhi haddii caqligu shaqeyn waayo marka ugu danbeysa waxaa shaqeysa danta waqtigey doontaba ha qaadatee. Waxaa marka muuqata in maanta ay dantu soo qabatay oo qasab tahay in intii la waayi lahaa sidii xarasal Jamhuurigii Ciraaq ay dhahaan waabaan heshiis galney .  Haddaba su aashu waxaa weeye maxay soo kordhin doonaan kooxdan haddii ay heshiis qaataan waxaana kusoo koobaynaa maxsuulka heshiiskaas qodobadan

1. Iney qaataan isla markaana ixtiraamaan dastuurka dalka Ethiopia

2.In maxaabiis badan oo u xiran arimo siyaasadeed lasiidaayo

3. Inaysan dhici doonin qof loo xiro iyaguu taageeraa mar hadday soo xaroodaan

4- Iney waddankooda tagi karaan kana shaqeysan karaan nabadna ku joogaan oo aan danbi loo raacanin.

Maanta Ethiopia waxaa xukuma wiil kayimid Walayta baritana waxba ma ahan inuu Soomaali kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida uu Ethiopia xukunkeeda qabto. Ethiopia waa qawmiyado isku tagay qof magacaas gooni u sheegan karana ma lahan.

Ugu danbeyn maxaa la faaiidey 28 sano kadib, maxayse ina dhaxalsiisay dagaalkii ay wiilashu kudhamaadeen. Awayse Xornimadii ? Warku waxuu ku kooban yahay iney isweydiiyaan shacabka deegaanku ma isdhiibaa mise waa heshiis sheekadani. Jawaabta iyagaan udaynaynaa.

Waxaan kusoo xiraynaa qormadan sheekadii ninkii danbaabay ee Ina Xagaa Dheere ee isagoo illaahay caasiyay yidhi ” Haddaan Hadalnana adhiga laynta laga dayn maayo, haddaan hadalnana waa Af salax ku dhag” Marka hadda waxaan odhaneynaa oo kaliya Aaway Xornimadii iyo shuruudihii wadahadalku lahaan jirey mise waa laga guuray oo danbaa run sheegtey.  Warkii oo kooban balanku waa Jijiga Caddeey!

 

 

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print