XAAJO.COM

Faallo:Xaggee ku danbeeyey dabqaadkii iyo heshiiskii ?

XOL: Bulshada kasoo jeedda deegaanka Soomaalida ee ku nool dal iyo dibadba mucaarad iyo muxaafadba waxay inbadan isweydiinayaan meesha ay ku danbeeysay dabqaadkii dahsoonaa ee udhaxeeyey Garabka Maxamed Cumar Cismaan iyo dawladda Ethiopia. Hadalheyntuna ma yara, midha iyo maamuusna ma muuqdo waa hadal nin weyn oo siyaasadda deegaanka inbadan soo dhex jibaaxay. Haddaba Warbaahinta Xaajo ayaa ka eegeysa dhinacyo badan iyadoo idiin soo gudbineysa xaaladaha kala duwan iyo ifafaalayaasha labada dhinacba. Balse aan ku horeyno sheeko lamaane u noqon kareyso meesha ay ka mareyso taageerayaasha garabka Maxamed Cumar oo iyagu sugi la in maruun la dhaho heshiis baa dhacay dulqaadkiina ka dhamaadey..

Waa sheekadii aad wada maqasheen ee islaantii awrka ay wiilasheedu ku wadeen ee da’da ahayd ee mar ay wiilashu kaftameen uu hadal kusoo duuley. Dabadeedna muddo yar kadib ay tidhi awrka dushiisa ” Hooyooyin duco helooyin hadalkii wanaagsanaa ee aad markii sheegteen xaggee ku danbeeyey ama ku celiya” kolba sida uu usoo aroorey. Haddaba dhamaan taageerayaasha garabka Admiral Maxamed Cumar ayaa waxay ka taagan tahay xaggee marayaa wadahadalkii waxeyna ku gooyeen inuu dhawyahay ayna ka dhiman tahay uun inta xukuumadda DDS iyo gaar ahaan madaxweynaha Deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiiradiisa laga qaadi doono meesha oo iyaga loo diyaarin doono.

Xaqiiqaduse taas ka durugsan. Wuu jiray walina huursan yahay wadahadalkaasi dhexmaray ama loo kala dabqaadey labada dhinac balse waxaa hortaalla caqabado badan oo ay adagtahay in laga dabaasho inta xaal sidaan yahay. Haddaba waa maxay sababahani.

1- Awoodda Ciidan ee garabka Admiralka oo dakaamay.

2- Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo ku doodeysa isla markaana caddeyn udabadhigeysa inaan loo baahneyn ama aysan jirin cid lala heshiiyo iyagoo u arka in diiqii ka ciyay ama ay oqdeen Saanbuuska laga eedaamay.

3- Qurba joogtii iyo dal joogtii oo ku shamuumey dalkii una kala baratamaya.

4- Somalidii kale oo afkooda laga gartey caasimadda Jijiga.

5- Telefeshinka ESTV oo noqdey mid sumcad iyo soo jiidasho badan u keeney deegaanka isago soo bandhiga si joogto bilicda iyo hormarka deegaanka iyo waliba fursadaha yaalla.

6- Jijiga oo noqotey hoyga fanka oo ay fanaaniinta Soomaaliyeed oo dhan u noqotey meel lagu hirto hantina laga helo.

7- Socdaaladii isdaba joogga ahaa ee xukuumaddu ku bixiyey dibadaha taasoo keentey soo jiidasho bada oo ay safaaradaha Ethiopia ka makhraati fureen amaba aamineen inuusan jirin Soomaali kasoo jeeda deegaankaas oo mucaarad ah.

9- Shirkii London ee lagu aruuriyey lacagaha biyaxidheenka oo qodobadan oo dhanba isku fuuqsadey siina adkeeyey in Soomaalida Deegaanka Soomaalidu ay nabad wada qaadatay.

10- Maalinwalba askar kasoo xaroota Garabka Admiralka oo iska yimaadda iyo kuwa badan oo laf dhabar u ahaa ama taageerayaasha dibadda ah oo iyaguna iska xaadiriyay Jijiga.

11- Xukuumadda DDS oo shar iyo kheyrba baac dheereysay Kooxdan: Heestii iyo riwaayadihii, dhaantooyinkii, lacagtii iyo safarkii iyo shirarkii kadibna kala wareegey taageerayaashoodii iyo fanaaniintoodiiba.

12- Ugu danbeyn Raisul wasaarihii Zenawi oo dhintey iyadoo aysan arintani dhinac ubadanin.

Intaas oo xaqiiqo oo miiska saaran waxaa hubaal ah iney adagtahay in si sahal ah looga gudbo. Balse rag waa isgurayaa ayaa la yidhi waxaa wadahadalkan laga dhexlay dhanka garabka Caasmara xaqiiqooyin dahsoonaa ama ay qarinayeen oo ay eegga dantu u run sheegtey.

1- Ineysan jirin wax shardi ah oo dhankooda ku xiran iney heshiis galaan ama wadahadal galaan.

2- Ineysan soo qaadin ama ay kaba suuleen wax la dhaho Xornimo ayna rabaan uun iney Jijiga tagaan

3- Dastuurkii Ethiopia oo la sugi layahay qaadashadiisa si kal iyo laab ah. Ogoow 20 sano ka hor ayay wax ka qoreen.

4- In Madaxweyne Cabdi looga qaado oo ay iyagu meesha qabsadaan ama ay geystaan nin kale. Ogoow 20 sano iyagoo heysta ay duurka ka aadeen.

5- Awood ciidan iyo mid dhaqaale oo gabaabsi noqotey.

6- Waxbadan oo la sheegi jirey oo balaayo ahaa oo lasoo taabtey mar haddii maalinwalba meeshii la tagayo.

7- Xadadka Soomaaliya oo si adag gacanta loogu dhigey oo aysan suuro gal noqonin in ciidan, calaf iyo saanad ay usoo marto.

8- Xaqiiqadii oo xaqiiqo noqotey iyo hawadii hallaasiga ahayd oo soo hoorsantay.

9- Danta oo run sheegtey.

Markii waxaas oo dhan la isku geeyay waxey kusoo aruureysaa in kooxdani ay kuqasban tahay in meel madaxa loo galiyo mar haddii aysan sii socon doonin. Iney soo dagdagto heshiis ku sheegganina aad bey ugu wnaaagsan tahay. DHanka Kililkana waxaa ka goan iney kala tuuraan oo aysan laba iska raacin. Ninkii iskii u imaanaya ha iska yimaado waan cafiyaynaa weeye warka yaalla Jijiga.

Dhanka dawladda Ethiopia iyo raisul Wasaaraha cusub iyo xukuumaddiisa wali ma cadda marka laga tago iney sheegeen in Kooxdani ay iyagu nabadda rabaan kadib markii ay ku qanceen iney qaataan dastuurka nabadna wax ku doonaan.

Balse su aalahan isweydii adigu

1- Heshiiskani ama wadahadalkani ma xornimo doonbaa?

2- 28 sano kadib maxaa isbaddalay sawkay Ethiopia kala tageysay sanadwalba awayse calankii iyo xornimadii soo muuqday?.

3- Imisa wiil ayaa ku dhimatay jidkaas maxaase lagu micneyn?

4- Heshiiskii UWSLF maxay ka dhaheen iyagase maxaa laga odhan?

5- Goormey saxmeen ama waasheen?

6- Mar haddii UWSLF ay ku sheegeen Isdhiib, iyaga maxaa lagu sheegi?

7- Ethiopianimada miyey ku qanceen maxaase iska baddalay Ethiopia?

8- Ma Xornimo doon ayay ahaayeen mise xaquuq doon?

9- Mise danta ayaa sidan tiri?

10- Ugu danbeyn ayaa dabaqoodhi ah, yaa Jaajuus noqondoona yaase safaaradaha lacag ka qaadan doona?

11- Imisa dumar ah , hooyooyin ah ayaa fanaaniin noqdey oo reerahoodii ka baxay ama dayacay?

12- Imisa dhalinyaro ah oo waxbaran lahayd ayaa durnaan hees iyo riwaayad loo tumay oo lagu yidhi dadku waa wada dabaqoodhi, safaaradaha Ethiopiana lacag ayay ka qaataan?

Intaas oo dhan waxaa ka daran waxii dhibaato, godob gabdho cay, oday wax ka sheeg, sheekh Jaaifeyn, aqoonyahan xumeyn ee ay soo sameeyeen maxaa lagu micneyn karaa. Caqli haddii uu jiro waa in dadkii laga cafis dalbo laguna dhaho dadoow naga raali ahaada oo na cafiya.

Saw hadda warku kuma eka uun maahmaahdii Axmaariga ahayd ee dhaheysay siday Soomaalidu udhigto” Zoora Zooroo Timadhaale!” Sida Saxda ahna waxaa weeye “Zoroo Zoroo magbiyaw Jiraaru” oo micnaheedu noqonayo Lama Huraan waa Caws Jiilaal. illeen hadda sheekadu waxey ku aruurtay Jijigee sow in Canjeerada gacmaha la wada galiyo uun noqon mayso.

 

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print