XAAJO.COM

Falkii foosha xun ee Gaarissa ka dhacay looma dulqaadan karo: WQ Mr Fiiq

Salamucalaykum salaan kadib anoo aha mr fiiq waxaan rabaa inaan maqalkan kaga hadlo arimaha garissa kusoo noq noqday ee foosha xun
Horta magalada garissa waxay kutala gubalka waqooyi bari Kenya waana casimada gobalkaas hadaba garissa yaa daga ma yahuud baa dagta mise masiixiyiin ? su aashu waa midna madago ee waxaa daga dad muslimiin aha 100% waana dadka loo yaqaan sunniyiinta oo aha dadka aan dhahi karo waa dad aad uugu amaanan raacitaanka kitaabka alle iyo sunnada nabigeena S.A.W . hadaba anoo aqoon dheer uleh garissa saas ayaan ku og ahay ee waa su alle dadkan garissa kusoo duulay yay ladagalamayaan ?su aashu waxay tahay inta aduunka Somali dagto gobalka kaliya ee nabad iyo amaan ku can baxay ayay garissa u tahay xudun taasna lama wada rabo oo dad badan ayaa waxayna rabin raxmada iyo amaanka iyo hanaqaadka dacwada alle ee garissa kasocota ood moodaba inay aduunka u noqotay meel mucjisa aha oon horay loo arag taasna waxaa dareemi kara ruuxii garissa taga hadana aduunka kale u fiiriya ha ahaato dhanka kala danbayta dawlad nimada kusalaysan iyo tan kale ee diinta ku salaysan ba hadaba waa su aalle garissa ma kor ayaa lagaga soo duulay mise gudaha garissa ayaa lagaga soo duulay ?jawabtu waxay noqon haysaa 2 daba waa lagaga soo duulay maxaa yeelay fikir kan lagu layn hayo culimada iyo halyayada reer garissa waa fikrad kasoo dhooftay garissa dibadeeda lakin dad reer garissa aha ayay dhabcan ka heshay soo dhawayn maxaa yeelay nin aan garissa gabaad kulahayn fal dil aha uma suurta galayso inuu si cad u sameeyo tankale waxaa qalbi xanuun ku aha dadka reer garissa intooda wanaagsan in lalaayo culimadooda iyo halyayadooda hadana aan la aqoon cid loo raaco dilkooda habada reer garissa waxaan leeyahay arintu waxay umuqataa dil hadana oohinta aan lagaga horayn taas macnaheedu waxaa weeyo dadka tuuga nimada wax kudila waxaa kamid aha qababka ay isticmalaan inay si dus ma aha wax kudilaan markii dadku meesha wax ka dhacay soo adaana iyagaa uugu soo xorayn haya waliba oohintana iyagaa bilaaba hadaba arintu waxaa weeye guduneey haduuna gabalkay kugu jirin imadan goyseen hadaba warkayga waxaan kusoo koobayaa 5 qodob
1 aad
:horta waxaan aad uuga xumaday dilkii loo gaystay waracyadii garissa kasoo bilaw sheikh maxamed dubad ilaa hada oy uugu danbaysay 3 dii nin ee habeenka dhawayd lagu toogtay garissa lakin dilkooda waxaa igala sii murugo badnaa waxaan ku arkay web ka ku hadla afka kooxda al shabab lagu magacaabo oo ay leeyahiin nimankaasi gaalo ayay u shaqayn hayeen ama gaalo raac ayay ahaayeen horta waxaan leeyahay ama falkaa idinku gaysta ama cidkale ha gaysatee waxaa fool xuma idinku aha in wariyayaa shiinuu iska qoraan waxii maskaxdooda kusoo dhaca maxaa yeelay raga lalayay dhamaan sifiican ayaan u aqanaa hadaba wariyaha warkaas soo qoray iyo kan soo dabacayaw ogaada su aasha alle way idin sugaysaa jawaabteeduna uma taalo alshabab ee shakhsi ahaan ayaa lagaga rabaa inaad uga jawaabto alle hortiisa.

alle na waxaan ka baryaynaa inuu alle xaqa soo bandhigo soona khashifo gacan ku dhiig layaasha iyo qoraal ku dhiig layasha .
Takale saan la socono waxaan arkaynay mar marsiinyo badan oo loo samaysan hayay sidii loo layn lahaa dadka kasoo jeeda beesha absame taasna waxaa tusaale idinku filan inuu daahir aways ku dhawaaqay inuu absame galoobay nacuudu billahi minal kufri taasna waxay cadayn haysaa wax yalaha shababka lagu dhalilayay ee ahaa markay rabaan inay ruux dilaan inay horta dhahaan waa gaal gadibna dhalinta u dhaga nugul amraan inay dilaan hadaba waxaan leeyahay dhamaan dadka somaliga ku hadla meel kastooy joogan haloo laabta kitaabka alle iyo sunnada hana laga digtoonaado daadinta diiga dadka barida aha .
Tankale nimanka ay somalimemo sheegtay inay galo ushaqayn hayeen dad noocee aha ayay ahayeen ?
Somalimemo waxaan leeyahay ul ayaad meel madaw ku tuurtay nimankana sida qoraal kiina ka muuqata aqoon yar iyo tu dheer toona uma lahid lakin anaa kuu sheegi waxay ahayeene dad lagu yaqiinay diin jacayl garissa na caan ku ahaa camiritaanka masajida waliba safafka hore intaana aduunka makhraati ayaan uuga ahay akhrana waxan u rajayn hayaa cidhib wanaagsan .

2aad dhalinta beesha absame
Waxaan leeyahay dilkan dadkiina la layn hayo ma aha mid meel fog idinka yimidi indhaha fura oo dadka arinta ku lugle u midooba saad usoo qab qaban lahaydeen takale dhaxdiinana aan la idinka soo tusin oo ayna arintu noqon sidii uusheegay qamaan bulxan gabaygiisii
Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane
Aanse doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e.
Taas waxaan kawadaa waxaan soo gadhanay manta xiligaan gacmaha is qabsan lahayn gacantana iska qaban lahayn kan dabka la ordaya tankale waxaa dulinima aha in wali dilku garissa kasii socdo taasna waxay khilaafsan tahay hadalkii nabigeena S.A.W , ee ahaa ruuxa mumuinka aha god laba jeer lagama qaniino.midakale waxaad ogataan hadafka laynta dadka kasoo jeeda beesha absame ma aha tu la rabo in lagu dhameeyo beesha lakin waxaa larabaa in beesha dhaxdeeda dagaal laga abaabulo kaas oo kusalaysan qaab qabiil kaasna waxaa cadayn idin aha hadii fikirka laga badalo ku wa besha udhashay kadib fuliyaan falal dil aha taasi maxay keenaysaa way cadahay jawaabtu waa dagaal sokeeye taasna anu intaan garan waa waxaan waligeed beesha ka dhaxdhacin waana wax alle loogu mahadiyo hadana waa in laga digtoonadaa
Ugu danbayn dhalinta beesha absame meel kasta ay joogan waxaan leeyahay aan iska ilaalina dabkan lagala soo orday xamar iyo meela ka fog in inaga la isoogu keen dhiibo.
Takale waxaan idinkula dar darmayaa inaan ilaalina adkaynana xidhiidhka alle inoo dhaxeeya iyo kan inaga dhaxdeena ahaba kadib insha allah waxaan sugnaa waa guul

3aad culimada
Culimada salaam kadib waxaan leeyahay waxaa muuqata in manta culimadii laga dhigay siidii ruux walan maxayeelay ruuxa walan hadalkiisa lama qaato indinkana manta taas oo kalaa idin haysata lakin ha ka quusanin inaad umada wanaageeda ku boorisaan waxaana tusale idinku filan nabiyu llah nuux C S.W .intuu xaqa hirgalintiisa wakhti ku baxiyay
Iyo dhamaan anbiyadii alle say u badnaayeenba sida nabiyullahi luudh iyo qawm kiisii waxii kala gaadhay ilaa oy ka gaadhay inuu dhaho
( أليس منكم رجل رشيد)

Waxayna mufasiriintu kumacneyeen ayadan intaan wax ka akhriyay 2 macne
قال عكرمة رجل يقول لا إله الله
Oo aha muuna idinka mid ahayn nin dawxiidka alle ku dhawaqaya aminsana waxuu ku dhawaqayo
قال ابن إسحاق, رجل يأمر بالمعروف وينهى عن المنكر
Oo aha muuna idinku jirin nin wanaaga dadka fara xumahana ka reba dadka.

hadaba hada culimadii Somali waxay tagan tahay meeshi nabi luudh taagna maxaa yeelay luudhna warkiisa ayaa la iskadhaga mariyay mantana culimadii ayaa la iska dhaga mariyay wanagay wadeen xala ma iman hayo ilaa culimada masuuliyadooda lagu ixtraamo
ugu danbayna culimada salaan ayaan hawada usoo marin hayaa culimada si caam si gaar ahana waxaan usalamayaa sheekha magalada garissa abaha dacwada
sheikh maxamed abdi (ilka dahable )
sheikh bashiir ahmed layli
sheikh abdullahi buulaw
sheikh cumar abdalle abyaal
sheikh khaliil sheikh cumar
sheikh cali guure
sheikh Hassan camay
sheikh abdirahmaan wardheere
iyo dhamaan culimada garissa salaam ayaan uwada dirayaa

5 aad baaq guud
baaqan waxaan udirayaa dawlada Kenya iyo dadka ku abtirsada beeshan la ugaadhasan hayo waa beesha absame
Dawlada waxan leeyahay amaanka sidan udhaan gobalka maxaa yeelay haday dawladu taxadarayso nin hubwataaba garissa kuma dhax dhuunteen ee dawlada waxaan ka codas an haynaa inay dadkeeda difaacdo waxay dawladu kudhisan tahayna waa difaaca shacabkeeda hadii difaac la waayo dawlad nimadii ayaa meesha ka baxaysa.

Dhanka beesha absame waxaan leeyahay arintu waysoo dhaaftay markii dhaxdeena mad wadaw lagalin lahaa waxaana nahay 1 umad oo isku dan aha wadankastoon joogno diinteenu waa mid oo dad 100% muslim ayaanahay danteenu waa mid cadawgeenu waamid saxiibkeenu waa mid gacanteenu waa mid insha allah midnimadu waxay dhashaana waa guul

By abdullahi_fiiq@hotmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print