XOL: Xasaraddii ka aloosneyd aagga Gaashaamo ee gobolka Dhagaxbuur ayaa ugu danbeyn laga gaadhay nabad kadib markii Suldaanka Beesha Habaryoonis iyo guurti laga soo direy Somaliland ay wadahadal la yeesheen xukuumadda DDS ayna ku kulmeen caasimadda Jijiga.
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ah suldaanka Beesha Habaryoonis iyo wafti uu hoggaaminayay Xaaji Cabdikarim Xuseen Cabdi-Waraabe iyo Muxumed Aw Cabdi oo ah guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland oo ka yimid magaalada Hargeysa ayaa wadahadal la yeeshey xukuumadda kadibna lagu goaamiyey in deegaanka iyo dadka loo daayo nabad.
Waxay wararku intaas ku darayaan 23 maxaabiis ah oo ay ciidamada Liyuu Boolisku kasoo qabteen aagga Gaashaamo kuwaasoo lagu wareejiyay Suldaanka beesha.
Ugu danbeyn si aad ah ayaa loosoo dhaweeyey guud ahaan iyo gaar ahaanba nabadda laga gaadhay aagga Gaashaamo iyadoo dad badani ay ku nafwaayeen.
Xaajo.com