XAAJO.COM

Gabadh kasoo jeedda Qabridahare oo South Afrika si xun loogu diley

XOL: Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee waxaa waddanka South Afrika gobolka Eastern Cape lagu diley gabadh udhalatey deegaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Qoraxay caasimaddiisa Qoraxay oo lagu magacaabo Nasra Maxamed Qamaan xilli ay kusugneyd gurigeeda.

Gabadh ayaa wararka kasoo baxaya halkaasi ay sheegaya in gabadhan ay rag madoow ahi ugu galeen guriga, ay Kufsadeen, kadibna ay ceejiyeen sidaasna ay ku nafweydey. Soomaalida daggan magaalada lagu diley gabadhan ayay aritani argagax ku beertay kadibna Booliska la dagaalamay iyagoo dalbaday in lasoo qabto raggii falkan geystey.

Gabadhan oo ahayd Xaas ayaa la sheegey in saygeeda Yuusuf Qaybdiid markii falkan dhacayay uu ka maqnaa magaalada uuna jirey magaalo kale. Meydka gabadha ayaa gurigeeda laga helay maalintii Sabtida ahayd.

Rabbi naxariistii jano ha geeyee Nasro waxey noqoneysaa gabadhii Soomaaliyeed ugu horeeysay ee lagu dilo dalka South Afrika waxaana suuro gal ah inay noqoto balaayo bilaabatay.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh udireynaa ehelkii, qaraabadii ay ka baxdey marxuumaddu waxaana eebbe uga baryeynaa inuu janadii geeyo marxuumadda iyagana samiir iyo iimaan ka siiyo.

Xigasho:KismaayoNews

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print