XAAJO.COM

Gabay: Hooyooy Macaan. Waxaa Tiriyey Cabdinaasir Sheekh Biixi

Hooyooy macaaneey maalintii aad uurka igu qaadday
illaa maanta oo gadhkii cirradu maanshaysay
waxaad aniga igasoo martee maama ku haleelay
miridh keliya abaalka ma gudo oo markhaati lehe

adduunyada haddaan magac ku helo iyo waliba maamuusba
madaxwayne hadday iga dhigaan oon martabad yeesho
maalkaa adduunyada dhexyaal haddii midigta laysaaro
mar qudhoon ku eegtaa karoon oon maama ku idhaahdo

micno malaha dunidani haddaan hooyo maamuline
ma tisqaado ninkaan hooyadii maandhow odhanayne
ma illaawin maalintii uu madfucu midigta kaa dhaafay
masiibadii jirtiyo adoon murugba eegaynin
cabdi meeyey waataad lahayd oo markhaati lehe

mid hadduu xanuunsado amase meel aado
maankaagu inuu maqanyohoo oodka murugooto
ninkii maanle wuu garanayaa oo muranka diidaaya
ma danaysid adduunyada kaloo ubadka mooyaane
muraadkaagu waa inay ilmuhu magac lahaadaane

gucla orodka waxaad maalintii milic la roorayso
waxaad tahay macallin edebtiyo cilmiga falagga maareeya
haddii laba marxalo ila kulmaan oon mid ku abbaaro
mudnaanteeda koobaad adayskale oo midigtii baad tahaye

maalmo weeye dunidani oo marbaa laga masaafuriye
mawdkii hadduu ku helo ood adduun macasalaamayso
macaaneey haddaan kaa hadhoon madasha sii joogo
mugdibaa aniga lay qoray oo muranla, weeyaane

hayeeshee mawluhu wuxuu qaddaray yaan lagana maarmayne
mid iftiima kuu noqoy qabrigu oon mushkilad oolle
naxariis mug wayn baa ilaah magane waydiine
nabi muxamed wehel kaaga dhigo ood micii noqoto
midigtana lagaasii kitaab waa martabad wayne
malaa,iguhu garabkaaga iyo midig ha joogeene

maalintaa qiyaamaha ee khalqigu uuka murugoodo
kuwa maalintaa loo xusheen milicdu aafaynin
mawlaan baryaayaa inaad farax la muusooto
oo muftaaxii jannada eebahay midigta kaa saaro
anna xarafka maansada waxaan miimka u abbaaray

mawleheennu sidii uu na yidhi ee muxamed noo sheegay
muxubadaan u qabo hooyaday macallinkaygiiye
masalooyinkay iidhigtay baan maanka ku hayaaye
magaceed ha raagee murtibaa loogu daw galaye
mawlaha ilaahaw adigu marinka noo toosi
magantaada adigaannu nahay oo na maamula e
maankayaga allow geli micnahaad dunidan noo keentay
oo shaydaanka naga moos allaw adaan kuu miskiin nahaye.
 
waa abwaan Cabdirashiid Sheekh Biixi
absirashids@hotmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print