XAAJO.COM

Gabay: Taageerada Heshiiska Nabadda:WT Maxamed Hiirad

Gabaygan kooban waxa aan ugu tala galay inuu dhiiri gelin u noqdo shirarka iyo go’aamada dambe ee heshiiska buuxa lagu kala saxiixan doona dhexmari doona haddii Eebbe xukuumadda Itoobiya iyo jabhadaha u dagaalama xuquuqda dadka Soomaali Galbeed. Kuwaas oo ah kuwo guul kama dambays ahi ay ka dhalan doonto Inshaa Allaah.

Tixdan waxa aan ku halqabsanayaa Asad Suldaan Maxamuud Haybe oo aannu saaxiib nahay, goobjoogna ka ahaa wada xaajoodkii ku dhexmaray dawladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Tixdii gaabnaydna waa tan ee ku soo dhawaada:

Asadow ma daalaad tihiyo, lagama maarmaane
Maxmuud Haybe maskii aabahaa, marinki uu jeexay
Midaan ciirin weeyaan waqiis, magan Ilaahay e

Adaa ii markhaatiya dantiyo mowqifkaan qabaye
Maqaal lagu hanuuniyo waxaan, maanso tirinaayey
Murti gabay waxaan curiyey iyo, hadallo miisaan leh
Ama meel fagaara ah wacdiga, kaga madiixaayey

Waxaan nabad macaankeed sharxoo, maanka gelinaayey
Waxay qaar I maagaan anoo, maandhow ku hayaaba
Alla mahaddi maantaa xaqii, muuqanahayaaye

Ugaasyada deegaankaa metela, meel kastana jooga
Cabdi maxamed madax weynahaa, maqaddinkeennii ah
Inuu miiggan yahay waa hubaal, muranku waa ceebe

Mudanahaas la doortiyo, raggaa maanta talinaaya
Inay nolosha maaraynayaan, waa mid la hubaaye
Masiirka shacabka waw daacadoo, waa mintidayaane

Magaalada Addiis iyo Jigjiga, ama Maraykaanka
Madashii la joogaba shirkiyo, muxubbo xaajoodka
Durba maqallay maandhaafki jirey, waa la maanacaye

Maxaabiis xidhnayd oo la rabay, madax ka goyntooda
Macfaa loogu deeqoo la dhahay, sii mardaadiya e
Qoysaskii madluumaa la yidhi, waa mashxaradeene

Mar haddaan magliga laysla dhaco, meel fog tegahaynin
Oo maydka go’ayaa noqdeen, minanka kii joogay
Waa maxay mujaahidkan makalay, maxasta gaajaysan
Waa maxay mindida dooxaysaa, ubad masaakiin ah

kuwo midabka Soomaaliyeed, lagu malaynaayo
Musaafuris dadkay u melmeleen, jeel in lagu miiso
Ama inuu u muuqdaba necbaa, kii martabad haysta

Iminkana maxay sheegayaan, waa maslaxad beele
Ma malaynayaan been damboo, la isku maaweesho
Alla mahaddi maantaa xaqii, muuqanahayaaye
Wixii kalaba waad maamushaa, ama macnaysaaye
Talo kaa murkacataad maruun, dib uga maagtaaye
Madaafiic dadkay madhinaysaan, maydku soo bixine

Muddo aan dhowyn baa dagaal, mooye loo tumaye
Lagu musallif mood iyo wixii, maal la hayn jiraye
Laga guur magaalooyinkii, magaca weynaaye

Muqdishaba waataa haawatoo, magan bariinayne
Marti baan ku nahay meel kastoo, loo miciinsado e
Laga maaran calankii mudnaa, midab buluug leeye

Jabhadahan maqiiqani na bade, murugo ciilkoode
Maatada qaxaysaa ku luma, badaha moolkoode
Mooryaan is dooxdaa ku hadhay, ma hurtadeenniiye

Magalooti beenlow ahoo, maanka laga qaaday
Malafsadaha dhiiggii dadkoo, muudsadaa badane
Waa maxay manfacadaa fidmadan, laga macaashaayo

Macna kalana waa erey yaraan miinka ka higaadshey
Engineer Macaw iyo rag kaloo, wada maqaawiira
Iyo madaxda dhaqankoo midnimo, meel u wada jeedda
Iyo shacbka oo midho nabdeed, muuqda guran doona
Allahayow muraadkood a sii, maalig baad tahaye

Maxamed Hirad

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print