XAAJO.COM

Gabay:Qaddiyadii Ogaadeeniya:WT Geele Jaamac

Gabay: Qaddiyadii Ogaadeenya

qadiyadii  ogadeeniyee  qiiqu  dami waayeey
qori tuur waxaa  qoloba qolo  qori udhiibtaaba
qoomamiyo waxaay ciil badooy  qabasho  beeshaaba

qiyaas  li  waxaay shacbkayagu qixid ujoogaanba
qoxootiga  waxaay meel cidla ah  qolo u oodaaba
qisaas  iyo waxaay sharaf  xumida  qaayibaan abidba
qabandhacada  cadhadii  waxaan dabin qaniinaanaaba
qaban qaabo hawl adag waxaan  qaaylo kicinaabaa
qorigiyo  rasaastiyo waxaan qalabka  boobnaaba

qudha waxaay u waayaan ragii  qaaliga ahaabaa
waxaay quudareeyaan xoriyad  maantaad qaranoobi
qarbi iyo nin xooglihi  waxuu  faylka qariyaaba
qadiyadii  wareertee  inbadan qaraarka dheer fuusheey
maantaa  qadhaadh laga lisiyo  dacar  ay qoosheene
qaadhaana  waa  lagu gurtaa quruxna loodiidye

kuqadhaabso  mooyee  majiro  waxeey  uqaateenee
qaraabiyo  waxaa  lagu koorshaa qooysas gaar u ahe
qoon iyo  waxaay doog qabtana  waa  laqariyaaye

kol hadeey qafaasheen xaqii  dhiiga  looqubayeey
ood qadafka  sheegtana  la odhan  waa  qabiil kaniye
kala  qaybi  mooyee  la waa  qiil kaloo jira,ee

qun hadaad  u dhoowrtoo  sidhaba  wax u qiyaastaanba
in cumar waakaa qooys kadhigaay qoom dhan taladiiye
oo  wada  qaraabiyo  yihiin seedii  wadda  qaaraa

idinkiyo  gumeeystuhu  dadakii weeydun qalateene
taariikhdu  waayqori waxaad  qalad  galeeysaane
rabigeey qisaas  tiisaa suga  waad  u qalantaane

 geele jamac
sumcaddhawre@yahoo.ca

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print