XAAJO.COM

Gacan ka hadal kooxda Asmra ka danbeysey oo Yemen ka dhacay

XOL: Dalka Yemen oo ah meelaha jaaliyadaha DDS ay ugu dhaqdhaqaaqa badan yihiin waxaa ka dhacdey arin la yaableh kadib markii Kooxda Asmara soo adeegsadeen gabdho gaadhaya 15 iney dhibaato gacan ka hadal ah la beegsadaan guddoomiyaha Jaaliyadda DDS. Kooxda Asmara oo ay siyaasadoodii isku dhexyaacdey waayayna taageeradii ay ka heli jireen qurba joogta deegaanka Soomaalida ayaa markani waxey maciin badeen iney dumarka adeegdsadaan.

Falkan oo loo adeegsadey 15 gabdhood oo aan magacyadooda heyno ayna soo direen rag iyagana la hayo magacyadooda ayaa waxey waxyeelo gaadhsiiyeen guddoomiyaha Jaaliyadda DDS ee dalka Yemen. Arintan oo hadda gacanta lagu hayo ayay maamulka sare ee jaaliyadda DDS go aan ka qaateen iney cafiyaan dumarka maskaxda laga soo qaldey balse aysan cafiyi doonin raggii soo direy.

Jaaliyadda Yemen ayaa tan iyo heshiisyadii nabadda ahaa kuwa ugu firfircoon jaaliyaadka Deegaanka ee ku nool dalka dibaddiisa. Waxii kasoo kordha arimahaasna kala soco Xaajo

Xaajo.com

Yemen

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print