XAAJO.COM

GEERAAR WADANI AH. WT Maxamed Cabdi Isaaq

Geeraarkan waxaa tiriyey qurbajoog sawir ka bixinaya xaaladda DDSI sida ay hadda tahay, sida uu u arko inay dhawaan noqonayso iyo sahanka uu rabo inuu ku soo sameeyo dhulkiisa hooyo sida uu jeclyahay inuu noqdo inshaa Allaahu.

v Saaka waan ducaysane soo dhaha bal Aamiin,

v Nabaddoo saldhigatoo saamaysa gobolkaan Saadir kaa baryahayaa, ee soo dhaha bal aamiin.

v Allahayow samaantiyo ii yeel sidaan rabo, ee soo dhaha bal aamiin,

v Saadirkow ku barinaye saaka balaal ii yeel oo suubanow dhulkaygii an sida haada ugu dego, ee soo dhaha bal aamiin,

v Sokeeyiyo xigaal iyo an saaxiibaday helo, ee soo dhaha bal aamiin,

v Salaan xiiso badan iyo an idhaahdo seetahay,ee soo dhaha bal aamiin,

v An si kale magaratide sawaxan iyo kalgacal iyo salaan midigta kala maro,ee soo dhaha bal aamiin,

v An Jigjiga siday tahay surimadeeda wada maro,

v An saraha la bilay iyo jidadkaas la wadasimay soo maro huteelada,

v Samaafaraha baxayee baabuurta kala suga bal maan soo yar daawado,

v Sawaxanka salaadiyo aadaanka maan sugo oon weyso soo helo,

v Maan salaada subax iyo cishaha wadar-salaadeed soo tukado siday tahay,

v Sikastaba ha noqotee nabadbaa saldhigataye maan soo arkoo tago,

v Maan sagaalka gobol maro oon saqaafa dheer iyo sahan gaaban ugu boxo,

v Saxansaxo udgooniyo hawo saafiyoo kulul sanka maan ka neefsado,

v Soolarkaa cadceediyo maan soo qaato daawada dubka sare u wada roon,

v Dhididkaan sannado badan sare iiga soo bixin Godeey maan u sakaansado,

v Saan dooni maan helo oon sahanka sii wado,

v Webiyada sunsumayiyo beeraha sawaal baxay maan siyaaro ugu tago,

v Dabsar iyo xasiidiyo qaraha sabar weyn iyo maan salool ka soo cuno,

v Soor aad u wacan iyo hadhuudh subagle maan helo,

v Sare maan u yare boxo oon siiwado saqaafaha,

v Maan hawdka siigalo oon saaqiyo cagaarkiyo dhirta ubaxu wada simay sumbaaxdooda udugga ah sanka aan ka doogsado,

v Halka Soobir daaqdiyo maan toomo soo maro,

v Caanaha Sallaan iyo soofkiyo haleelada maan Sibraar ka buuxsado,

v Maan saydho qarastiyo waxaan sabanno iga bixin oon sifeeyo xiidmaha,

v Sokay maan u soo boxo oon soo booqdo reeraha,

v Maan ardaa la simayoo caws lagu sallaxay iyo ku dul seexdo maadhii,

v Sooryo maa la ii dumo oo Sumal la ii qalo,

v Soortuba wadaagay suubanaan ku leedee Sarhayiyo adeeraday maan siiyo sararaha anna maan sakaar cuno,

v Sheekadu sideedaba waxay kuugu socotaa qofaad saban taqaanaye maa wixii an soo maray sokeeyaha ka haqabtiro,

v Qosol maan dibnaha simo oon soo xusuusto-sebinimo sidii xaal ahaan jiray,

v Maan Subagga miidiyo gadhoodhka iyo dhaydaba sharubaha mar wada sudho,

v Markaan sabarka buuxsado maan soo yar daawado Saarka iyo Shamalkiyo waxaan saban aqoon jiray,

v Sikalaba ma garatide maan dhaanto sacab-tumo oon hablaha la saayiro,

v Saaqidba ha ahaadee ninkii saban qurbaha tegay si kalaa la moodiye saddex maan ka guursado,

v Maan soo yar daadego oon sirta nolosha soo qoro,

v Samo iyo xumaataba sida maanta xaal yahay maan soo arkoo helo,

v Saaxiibadaydii qurbaha lagu salalin jiray maan siiyo warar sugan,

v Saacii bays beddelayoo samirkii dadweynuhu saaxiib midhuu dhalay runtii maan sidaa dhoho,

v Maan samo-faloo dhoho dadku sabanadii hore wixii lagu sasabi jiray saaka yeeli mahayaan,

v Sacab iyo durbaan iyo hayaay soo baxaaydii saaka yeeli mahayaan,

v Salab qaata oo kaca iyo sahan colaadeed saaka yeeli mahayaan,

v Hubsiinay sameeyeen, runtii bay salgaadheen oo dantooday sargooyaan,

v Sahan horumar iyo nabad ku socday samaysteen oo hammigoodu waa saas,

v Sababo dhawr ah awgood, nabaddaa saldhigatee saamaysay gobolkii maan sheego say tahay,

v Sida ay saxaafadu waayahan sawirayeen, Kililkayga Soomaal madaxda ugu saraysaa qurbajoogta sabanadan way soo dhaweysaa, saasuna ma dhici jirin,

v Salaan wadajireed iyo sooryiyo xaflada badan baa loo sameeyaa, saasuna ma dhici jirin,

v Aniguna sidoo kale maa sacab la ii tumo oon salaan sharaf ka qaybgalo,

v Maan sida qorshuhu yahay dalka sarawkiciisiyo sida horumarkiisa ah saamigayga qaatoo maalgashiga u sahantago,

v Dadku wixii sannada badan Alle ay sugayeen saaka wow billowdeen oo nabad bay ku seexdaan, runtii maan sidaa dhoho,

v Kuwa nabadda sugayee, soodhlaha u qaatee, soojeedayaasha ah Soomaali weeyaan, saasuna ma dhici jirin, saasna maan warka u dhigo,

v Gobolkeena Soomaal Baarlamaanka soo baxay ee sameeya qaanuun Soomaali weeyaan, saasuna ma dhici jirin, iyana maan sawiro taas,

v Dhammaan madaxda wada sare oo heer wasiir ku sii siman ee Feedaraalka sare jira saami baan ku leenahay ku sargo’an xisaab sugan oo tirakoob saldhig u yahay, saasuna ma dhici jirin, maan saas wax ugu dhigo,

v Madaxweyne soo baxay iyo gole wasiiro ah yeynu saaka leenahay, saasuna ma dhici jirin, maan siiyo wararkaas,

v Shaqaalaha sunsumayee kumanyaal ka sare maray sagaashan iyo shan boqolkii Soomaali weeyaan, saasuna ma dhici jirin, maan sidaa u sii wado,

v Dhallinyarada simanee subaxdii iskuulada casharada la siiyaa sagaashan iyo shan boqolkii Soomaali weeyaan, saasuna ma dhici jirin, warka maan sidaa dhoho,

v Sida kale Maxkamaddii Salaalam uu fadhiyi jiray saaka Samatar baa haga ku hadlaaya Soomaal, saasuna ma dhici jirin, Maan sidaa wax ugu dhigo,

v Kooxdii sirgaxantee, sida kale wax u arkee, saluugmadu ku badatee, soojooga diidee, dagaal samaha moodayu hadda way saxmeenoo nabaday u sahanshaan, saasuna ma dhici jirin, maan iyana sidaas dhoho,

v Inta weli an soo gelin saadaashu say tahay way soo socdaanoo surin ay maraan iyo sabab bay sugahayaan, dadkuna way sugahayaan,

v Siday aniga ila tahay, Soomaalida Degaankanu dhawaan waysu soo noqon, nabaduna salkay dhigan ee bal an eegno sabankiyo sida xaal isu bedelo.

Soo saare

Maxamed Cabdi Isaaq

Shilaabo079@hotmail.com

22/12/2011

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print