XAAJO.COM

Gobolka Qoraxay oo guntiga ku qaatey Koobkii gobolada DDS

XOL:Ciyaarihii gobolada Deegaanka Soomaalida ee kasocdey caasimadda Jijiga ayaa maanta kusoo gabagaboobey magaalada Jijiga iyadoo ay isreebreebkii ugu danbeeyey ay isugu soo baxeen labada gobol ee Afdheer iyo Qoraxay.

Ciyaartan oo aad u u kululeyd ayaa labadii galin iyo dhamaan daqiiqadihii ugu danbeeyey ay ku dhamaadeen 1-1 iyadoo ay dani qasabtey in la isugu yimaaddo Rikooro. Taageerayaashii labada dhinac ayaa inta ay ciyaartu socotay sawaxan iyo qaylo iyo sacab ku kabayay ciyaarta.

Ugu danbeyn ayaa waxay guushii ku raacdey gobolka Qoraxay uu ku guuleystey Rikoorayaashii la dhigey waxaana gobolka Qoraxay ay halkaas ku hanteen koobkii Deegaanka Soomaalida.

Gobolka Qoraxay ayaa sidan kale Rikooro kaga soo badiyey gobolka Liibaan oo ahaa gobolkii qaaday Koobkii sanad hore ee gobolada Deegaanka.

Gabagabadii ciyaarta ayaa ayaa taageerayaashii gobolka Qoraxay ay sacab iyo bulxan isku dareen iyadoo dumarkuna mashraxad iyo buraanbur isku daray.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print