XAAJO.COM

Magaalada Godey Gacalo oo heshey adeegga Tel-ka Gacanta

XOL:Caasimadda gobolka Godey ayaa noqotey magaaladii ugu danbeysey ee uu gaadho adeegga telephone-ka ee gacanta taasoo sahli doonta xiriirka dadka ehelka ah iyo qaraabada ku nool daafaha adduunka. Adeeggan telka Gacanta ee Godey ayaa lagu wadaa inuu gaadho magaalooyin iyo dhulka ku xeeran maaddaama meelaha qaar lasii diyaariyey dhamaan qalabkii war laliska ee tel-nadu ku shaqeyn lahaayeen.

Waxaa soo kordhaya gobolada dalka kamid ah ee helaya adeegga tel-ka gacanta iyadoo hadda ay inta badan heleen adeeggaas sida gobolka Jijiga dhamaantiis, gobolka Dhagaxbuur, Gobolka Qoraxay, Gobolka Shiniile, Midka Liibaan iyo Afdheer. Gobolka Wardheer iyo Fiiq ayaa iyagu noqondoona kuwa sugaya iney helaan adeeggaas.

Deegaanka Soomaalida ayaa sanadahan u danbeeya ku talaabsaday hormar balaadhan oo ah dhanka Isgaadhsiinta iyo jidadka waana mid dal iyo dibadba laga soo dhaweeynayo.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print