XAAJO.COM

Golaha Wasiirada DDS oo ansixiyay magacaabista xilal cusub

XOL:Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jijiga ayaa sheegaya in xukuumadda DDS ay magacawday xilal cusub ayna u magacaabeen shakhsiyaad xilal kale ka hayay xafiisyada deegaanka heerarkooda kala duwan iyadoo qaar ay ahaayeen heer dagmo meesha qaarkoodna ay ahaayeen heer gobol iyo heer deegaan.

Golaha wasiirada oo la horkeeney magacaabista xilalkan cusub ayaa ansixiyey dhamaan magacaabistan. Xilalkan la magacaabey iyo shakhsiyaadkii loo magacaabey ayaa kala ah sidatan:
1-  Cabdiraxmaan Muxumed Cali(Cabdi Qalaf) : Ku-xigeenka Xafiiska Xidhiidhka Dawlada, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee DDS.
2- Maxamed Xasan Maxamuud: K/X  xafiiska adeegga shacabka iyo kobcinta ee xafiiska Kobcinta
3- Cali Cabdi Ugaas : K/X  Xafiiska Dakhliga ee xukuumada DDS.
4-  Cabdullaahi  Maxamuud Cabdi ( Garbo): Madaxa Kiraynta Guryaha ee DDS.
5-  Fartuun Cabdi Mahdi:  K/S Xafiiska Horumarinta Khayraadka
6-  Ibraahin Dheere: K/X- ko hortagga  Musuqmaasuqa
7-  Ismaaciil Maxamed Xuseen (Giire) : la-taliyaha Madaxweynaha Dhanka Arimaha sharciga ee xukuumada DDS
8- Cumar-Siyaad Ibraahin: Maareeyaha Machadka Maamulka iyo Maaraynta ee xukuumada DDS.
9-  Farxaan Xuseen Cabdi : La-taliyaha Madaxweynaha dhanka dabagalka

 

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print