Waxaa aad iyo aad wax loogu farxo ah Allahna aan ooga mahadcelinayaa in uu bulshadeena maanta waafajiyay in ay kudhaqaaqdo Harumarinta DDS. Waxaana Dal iyo Dibadba kasocda dhaqdhaqaaqyo aad ubadan oo si xawli ah kusocda oo dhammaantood kuwajahan Hormarinta DDS taasoo lajaanqaadaysa siyaasadda DDS ee ku aadan dhinacyada hormarinta deegaankeena.
Waxaan lasoconnaa in Jaaliyadihii garawsadeen waajibka ka saaran wax uqabadka Dalkooda Hooyo meella la iska dhigay kutidhi kuteentii macna la,aanta ahayd ee inaga reebtay deegaanada kale. Waxaa lagu guulaystay in wadankii lagu soolaabto qofwalbana garwaaqsaday waajibka saaran taasna waxaa kadhashay in si xowli leh ay jaaliyadihii kutalaabsadeen waxqabad taabanaya dhinacyo badan, waxaa aasaasmay shirkado ganacsi oo maalgashi kasamaynaya wadanka, waxaa lasameeyay Hay’addo Samafal iyo gudiyo jaaliyadeed oo Gobal-gobal iyo si wadareedba isu abaabulay kuwaasoo dhammantood qaaday talaabooyin si wayn loogu diirsaday wax lataaban karana kutalaabsaday,waxaana dhammaan halkudhig u noqday (Ninkii laga badiyaa ba,ay)!!
Hadaba anigoo Allah ooga mahadcelinaya Tawfiiqdan uu Ummadeena waafajiyay ayaa waxaan Usoojeedinayaa Ammaan Hambalyo iyo bogaadinba dhamaan Jaaliyadaha kuhowlan hawlahaas Hormarineed ee DDS waxaana munaasabadan siwayn oo gaar ah oogu mahadcelinayaa maamulka & Xubnaha Gabdhaha Hormarinta Somalida Itoobiya (SEWD) dadaalka balaadhan ay kujiraan iyo deeqda Taariikhiga ah ay usooheleen Hoyga Agoonta Jigjiga ayagoo kasoobaxay Ballanqaadkii ay sameeyeen booqashdii hore ee ay booqdeen Hoygaas labada Masuul ee Marwo Fawsiya Sh Cali & Marwo Canab Cali.
Alaah waxaan ooga baryaynaa in Gabdhahaas aakharo iyo aduunba siiyo liibaan dhanwalba leh danbigoodana dhaafo camalkan wayn ee wanaagsanna ay kujiraana kuguuleeyo.
Mahadsanidiin.
Sh.Axmed Sh C/naasir Nuux(Axmed Nashaad)
Gudoomiyaha Guud ee Hay,adda Gargaarka & Hormarinta Deegaanak Somalida (SAAD)