XAAJO.COM

Gudoomiyaha Golaha Boardiga Hay’adda SAAD oo Shir la yeeshay Shaqaalaha Xafiiska Jigjiga

Gudoomiyaha Golaha Boardiga ee Hay’adda SAAD Sh.Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa saaka Shir balaadhan la yeeshay Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Xafiiska SAAD ee Magaalada Jigjiga waxaana halkaa si diiran ugu soo dhaweeyey Shaqaalaha Xafiiska oo uu horkacayay Maareeyaha Xafiiska Mudane Mukhtaar Cali Axmed.

kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan shaqaalaha xafiiska ayaa  sheekha loogu soo bandhigay waxqabadka xafiiska iyo waxyaabaha u qabsoomay labadii sano ee lasoo dhaafay oo uusoo jeediyay Maareeyaha xafiiska mudane Mukhtaar .

dhanka kale waxaa sidoo kale warbixino soo jeediyay waxqabadkooda waaxyada kala ah Arrimaha Bulshada , qaybta HVC iyo qaybta DRR oo ay maalgaliyaan hay’adaha kala PACT iyo Oxfam.

waaxyadan ayaa warbixnadooda ku sheegay waxyaabihii u qabsoomay oo aad u tira badnaa iyo halka ay hadda wax u marayaan , mashaariicahan oo waxtar wayn u leh bulshada degaanka ayaa si wanaagsan uga socda qayba ka mid ah degaanka.

Gudoomiyaha oo aad ula dhacay warbixnada loosoo bandhigay ayaa u mahadceliyay dhamaan Masuuliyiinta shaqaalaha Xafiiska dadaalkooda aan la qiyaasi karin isagoo ugu baaqay in la laba jibaaro maadaama ay hay’adu u shaqaynayso bulshada, dhanka kale ayaa gudoomiyuhu wuxuu shaqaalaha ugu baaqay in ay allah uga baqaan shaqada ay bulshada u hayaan ayna waliba ku daraan waqti dheeri ah oo loogu tala galay u adeegida bulshada.

Ugu dambayntii ayaa gudoomiyaha wuxuu ka dhagaystay shaqaalaha talooyin ay soo jeediyeen oo ku saabsanaa sidii loo dardar galinlahaa shaqada iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa maadaama ay hay’adu u taagan tahay horumarka iyo gargaarka shacabka degaanka soomaalida.

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print