
XOL:Hay’adda Alsunna ee arimaha islaamka oo kamid ah hay’adihii aas aasmay nabadkii dhexmartay dawlada Ethiopia iyo ururkii UWSLF kadib wax badan oo hormarka bulshada ahna ka qayb qaadata , gaar ahaan arimaha diinta iyo wacyigalinta bulshada ayaa waxay qabatay siminaaradii ugu badanaa oo diini ah soona mara gobalka soomalida ethiopia
Siminaaradaa oo ka qabsoomay gobalada kala ah faafan(jigjiga ), jarar(dhagaxbuur) ,shabeele( godey) qoraxay iyo sitti (shiniile ).
siminaaradaa oo ay hay’adda ugu tala gashay in looga fa’iideeyo umadda muslimiinta ah ee ku nool gobalka soomalida ethiopia , gaar ahaan dhalin yarada ku jirta xilligi fasaxa iskuulada , si kor loogu qaado aqoontooda diimeed iyo guud ahaan thaqaafadooda. siminaaradaa ooy ka qayb galayeen culumada deeganka oo dhan gaar ahaan kuwa u dhashay gobalada lagu qabatay .siminaaradan diinig ah oobilawday dhamaadkii bishii shacbaan walina ka socda gobalada qaar ayaa lagu qiiyasay dadka ka faa’iidaystay inay dhan yihiin 2000 qof .
aqoon korarsigaa ay ha’adu qabatay ayaa halku dhag u ahaa : (Ladagaalanka firaaqa iyo fadhi ku dirirka -ka faa’iidayso wakhiga). Siminaarada ooy bulshadu si aadka uga heshay una soo dhawaysay ayaa dhamaantoo laga akhrinsanayay baahidda ay bulshadu uqabto wax barshada iyo dhisida wacyiga