XAAJO.COM

Hay’adda SAAD oo ardey gaadheysa Kun Buugaag siisey

XOL: Sida lala wada socdo waxaa bilowday Sanad dugsiyedeedkii cusbaa ee guud ahaan Iskuulada Itoopiya gaar ahaan kuwa Degaanka Soomaalida Itoopiya iyadoo taa laga duulayo ayaa Hay’adda SAAD oo u taagan horumarinta Degaanka waxay Agab isugu jira Buugaag , Qalimaan iyo Uniform-ka Iskuulka u qaybisay Arday kor u dhaafaysa 1044 Arday oo wax ka barta Dugsiyada labada Degmo ee Awbarre iyo Xarshin oo ka tirsan Gobolka Faafan.

Ardaydii loo qaybiyay Agabka ayaa kiiba waxaa la siiyay 12 buug 2 qalin iyo hal Mastarad oo ka kaafin doona Sanad dugsiyadeedkan.

Barnaamijkan oo ay Iska kaashadeen Hay’adaha kala ah PACT, USAID iyo SAAD ayaa qorshuhu wuxuu yahay in ilaa 6 degmo oo ka tirsan Degaanka la gaadhsiiyo iyadoo 4ta degmo ee hadhsan imika gacanta lagu hayo qorshahooda dhawaana la filayo in la gaadhsiin doono agabkan.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print