XAAJO.COM

Hay’adda SAAD oo Deeq gaadhsiisay Hooyga Agoonta ee Degmada Fiiq

Hay,adda Gargaarka & Horumarinta Deegaanka Soomaaliida Itoobiya(SAAD) ayaa Deeq  Gaadhsiisay Hoyga Agoonta ee Degmadda Fiiq.

Deeqdan ayaa ka koobnayd Agab isugu jira Gaadhi gacano, Digsiyadda cuntada, Koobabka Shaaha Baaldiyo, Buugaagta wax lagu qorto, Qalimaan iyo Agab kale,Goobtii alaabtani lagu wareejinayay ayaa waxaa kahadlay Masuuliyiin badan oo isugu jira kuwa kasocday Hay,adda SAAD, iyo Dawladda.

Sh. C/kariim Max,uud Cismaan oo ah kuxigeenka Gudoomiyaha Golaha  Aas-aasayaasha Hay,adda (Board-ka) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin mar haday maanta soogaadhsiiyeen agabkani Agoonta Hoygani ku Xaraysan waxaana uu Masuulkani  balan qaaday in aysan noqon doonin markii ugu balse ay ka war hayn doonaan agoonta.

Mudane Bashiir Badal Jibriil oo ah kusii simaha Gudoomiyaha Gobalka Fiiq ayaa isna dhankiisa sheegay in ay Hay,adda SAAD uga mahad celinayaan Agabkani ay soogaadhsiisay isaga oo carabka ku dhuftay in ay tahay Hay,addii ugu horaysay oo Hoygga  agab caynkan ah soogaadhsiisaa Wuxuuna Hay,adda ka codsaday in aysan marnaba Gobalka Fiiq aysan Hilmaamin.

Masuul ka mid ah maamulka Hoyga Agoonta  FIIQ  Sh. C/laahi ayaa isna dhankiisa SAAD ugu mahad celiyay sida Deg dega ah ee ay Codsigii ay usoo gudbiyeen  uga Jawaabtay SAAD isaga oo tilmaamay in ay tahay Hay’addii ugu horaysay ee Codsigooda Aqbasha waxaa uuna yidhi “mudo  hadda bil kayar ayaan codsi u qoronay Hay,adda SAAD anaga oo qoranay waxyaabihii aan aadka ugu Baahnayn Waanad aragtaan sida ay Maanta uga soo jawaabtay iyadda oo noosoo dadajisay aad baan uga mahadcelinaynaa Hay’adda SAAD”.

Maaha markii ugu horeysay ee SAAD ay gaadho gobolka Fiiq horay ayay dhowr jeer ka fulisay mashaariico wax ku ool ah.

Waxaa xusid mudan in Jiilaalkii lasoo dhaafay ay SAAD gurmad u fidisay dhowr degmo oo ay gaadhsiisya biyo dhaamin sida degmooyinka Dhuxun iyo Salaxaad.

Xaajo.com
jijiga

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print