XAAJO.COM

Hay,adda SAAD oo Mashaariic Dhanka Biyaha ah kafulisay Degmooyinka Jigjiga & Gursum

Hay,adda Gargaarka & Horumarinta Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Marka Magaceeda lasoogaabiyo looyaqaano SAAD ayaa Ceel Riiga ah oo ay ka qoday Duleedka Magaalada Jigjiga Xadhigga kajartay iyada oo ku wareejisay Shacabkii Halkaasi ku Dhaqnaa Si ay uga faa’iidaystaan Ceelkan oo ah mid ay ka Faa’iidayshanayaan Bulsho kor u Dhaafaysa 6,000 oo Qof.

Waxaana Xadhiga si wada Jir ah uga Jaray Sh. Ibraahim Maxamed Xuseen Aaabaha nabadda & Duqa Magaalada Jigjiga waxaana halkaasi hadala kala Duwan kasoojeediyay Sh. Ibraahim Maxamed Xuseen & Qaarkale oo kamid ah Wufuuduu xafladaasi kasoo qayb galay.

Dhanka kale Hay,addan ayaa Laba Ceel Gacmeed ka Fulisay Degmada Gursum ee Gobalka Jigjiga, Ceelashan oo ah kuwa Gacanta ayaa waxaa laga Fuliyay Qabeelayada Dhagaxle & Xarla, kuwas oo ay ka Faa’iidaysan Doonaan Dadkabadan 1,500 oo Qof,sida uu Sheegay Maariyaha Deegaanka Soomaalida ee Hay’adani Mukhtaar Cali Axmed oo Saxaafadda Halkaasi kula Hadlayay,Mukhtaar ayaa intaa kudaray in ay san Ceelashan oo kaliya ahaysan ahayn waxa ay kafuliyeen Degmadani Balse ay 3 Ceel oo kale ay kafuliyeen kuwaas oo loogu tala galay in ay ka Faa’iidaystaan Bulshada Goobahaasi ku Dhaqan.

Hay,adda SAAD oo ah Hay,ad ka Dhalatay Midhihii heshiiskii Dhexmaray Dawladda Itoobiya & Ururka UWSLF ayaa intii ay Jirtay waxbadani kaqabatay Dhinacyada Horumarka Deegaanka iyada oo Ceel Riig ah ka Qoday Magaalada Jigjiga kaas oo ay ka Faa’iidaysan Doonaan Kumanaan Qof oo Shacabka Reer Jigjiga ah.

Sidoo kale Hay’addan ayaa Mashaariic Dhanka Beeraha ah kawada Magaalooyinka Godey & Jigjiga iyada oo Waxyaaba Badan kaqabatay Dhanka Beeraha waxayna intaa ku dareen in ay sii laba Jibaari Donaan Mashaariicdan dhanka Beeraha ah ee ay Deegaanka kawadaan.

Inkabadan 270 hector ayay ka Fulisay Galbeedka Magaalada Godey waxaana ka faa’iidaysana Doona kumanaan qof oo Shacabka halkaa ku dhaqan ah & Xoolo tira badan, Mashaariicdan ay Ha,addani halkaa kufulisay ayaa Noqonaya kuwii ugu balaadhnaa ee abid Deegaanka laga Fuliyo.

Siwalbooy ahaataba Hay,ddan SAAD ayaa intii ay jirtay waxbadani ka Qabatay Dhinacyada Horumarka Deegaanka waxayna Masuuliyiinta Hay’addani Tilmaameen in ay Sii laba Jibaari Doonaan Barnaamijta horumarineed ee ay Shacabka u hayaan iyaga oo intaa kudaray in Bishani Dhexdaeeda ay Fulin Doonaan Mashaariicbadan oo Dhanka Caafimaadka

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print