Sida lawada ogyahay Hay’adda SAAD ayaa Mashruuc wayn oo dhanka beeraha ah ka waday Degmada Beercaano ee Gobolka Godey.
Mashruucan oo ahaa Maalgalin ay Hay’adu ku Samaysay Beer weyn oo lagu magacaabo Barwaaqo oo ay leeyihiin Iskaashatada beeralayda ee Salaama ayaa hay’adu waxa Abuurtay dalag isugu jiray noocya fara badan oo ay ka mid ahaayeen Galayda, Basasha, Sisinta, Xab xabka , Bariiska iyo qaybo ka mid ah khudrada.
Dalagan oo in mudda ah la sugayay ayaa u baxay sidii la filayay waxaana kasoo go’ay raashin fara badan iyo khudaar,
Gudoomiyaha Guud ee Hay’adda SAAD Sh. Axmed C.naasir Nuux ( Axmed Nashaad) oo hormuud ka ahaa Mamshruucan ayaa goobta hadalo kooban ka jeediyay isagoo la hadlaya Warbaahinta gudaha ayaa sheekhu waxaa hadaladiisii ka mid ahaa.

“Hay’adda SAAD iyadoo u taagan horumarka iyo gargaarka bulshada ku dhaqan degaanka ayaa waxaan Dalagan kasoo go’ay beerta gabi ahaanba loo qaybiyay laba qaybood oo kala ah qayb loogu tala galay in dib loo galiyo Beerta iyo qayb loogu tala galay in loo qaybiyo dadka tabaalaysan ee ku dhaqan Magaalada godey iyo agagaaraheeda.”
Hadaba qaybtii loogu tala galay in lagu gargaaro dadka ayaa u dhacday sidan:
1- Ilaa 200 qoys oo ah dadka da’da ah iyo kuwa Cuuryaamiinta ah ayaa waxaa la siiyay qofkiiba 50kg oo galaydii kasoo go’day beerta ah iyo 3litir oo Saliid macsaro oo ahaa Sisintii kasoo go’day Beerta kadib markii la shiiday.
2- Sidoo kale ayaa waxaa 30 Dumar ah oo ka shaqeeya khudaarta magaalada godey waxaa la siiyay midiiba Hal gaari gacan iyo Lacag dhiiri galin ah.
3- 30 dameer biyood oo agoomo ah ayaa waxay Hay’adu siisay lacag dhiiri galin ah midkiiba.
4- 50 qoys oo beeraley ah oo ku nool Tuulada Doolo bacaad ayay Hay’adu u qaybisay qalabka beeraha lagu qoto oo isugu jiray Badiilo, Yaambooyin, Manjooyin iyo Siifaan.
5- 100 qoys ayay hay;adu u qaybisay 100 Adhi ah oo isugu jiray Irmaan iyo dhays.
6-Sidoo kale waxay hay’adu 5 qoys oo aad u tabaalaysnaa ay u abuurtay shaqo iyadoo 3 kamid ah qoysaskaas u iibisay 3Dameer biyood oo cusub halka labada kalan ay siisay Lacag cadaan oo ay ku samaystaan Ganacsi.
Mashruucan ay hay’adda ka wado Galbeedka godey ayaa ah mashruuc aad loogu diirsaday ayna ujeedadiisu tahay sidii dhulka wax looga soo saran lahaa iyadoo laga faa’ideysanayo dhulka dihin ee degaanku Alle ku manaystay.
Xaajo.com
