XAAJO.COM

Hay’adda SAAD oo Xoolo fara badan ka qaybisay Degaanka Munaasabada Ciida Awgeed.(Sawiro)

Hay’adda SAAD ayaa munaasabada Ciida Carafo ee barakaysan u qaybisay xoolo fara badan qaar ka mid ah Degmooyinka Degaanka Soomaalida itoopiya iyo Magaalada Diri dhaba.

Barnaamijkan oo Sanadkiiba mar la fuliyo ayaa Sanadkan kusoo beegmay xilli inta badan Degaanka uu Allah ku manaystay roobab lagu diirsaday dad iyo duunyaba.

Magaalooyinka Sanadkan Nasiibka uhelay ayaa waxaa ka mid ah Jigjiga, Shiniile, Godey, Hargeele, Wardheer, Dh.buur, Q.dahare, Fiiq,Mooyaale iyo kuwa kale.

Xoolahan oo ahaa kuwo loogu tala galay Munaasabada Ciida ayaa waxaa lagaga farxinayay dadka Masaakiinta ah ee ku nool degaanka si ay Umadda ula Ciidaan Maalinkaas.

Waa Ciidii Sadexaad oo ay Hay’adda SAAD si toos uga howlgalayso guud ahaan Degaanka Soomaalida Itoopiya waxaana xusid mudan in Hay’addu ay ka fulisay degaanka Mashaariico waxtar uleh bulsha waynta degaanka Soomaalida.

SAAD Media Office

jigjiga

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print