XOL:Xafiiska Biyaha DDS ayaa hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ugu deeqday gaadiid isugu jira kuwa cusub iyo qaar la isticmaalayba, isla mar ahaantaana u ballan qaaday inay ka qayb qaadan doonto qodista ilaa 50 ceel muddo sannad gudaheed laga qodi doono dhulweynaha DDS.
Gaadiidkan ayaa lagu soo wareejiyey wasiirka biyaha Farxaan Xuseen mar uu tagay magaalada Addisababa waxuuna soo guddoomay baabuur saddex baabuur oo ah nooca loo yaqaano Landcruiser ah
Hay’adaha aan dawliga ahayn ee hawlgala DDS ayaa marar badan ka qaybqaata hormarka waana hawl waxwanaagsan kusoo dareysa hormarka deegaanka.
Xaajo.com