XAAJO.COM

Hilib laga shakiyey oo Booliska DDS ay Jijiga ku qabteen

Ciidanka Booliska madaniga ah ee Deegaanka Soomaalida ayaa gacanta ku dhigey hilib si qarsoodi ah loo keeni jirey magaalada Jijiga kuwaasoo loosoo iib geyn jiray muqaaxiyaha ku yaalla caasimadda Deegaanka Soomaalida.

Hililbkan oo ahaa Beer lagu soo qariyay Caagado waaweyn oo baraf la dhexgaliyay ayaa ciidamada Booliska oo daba jirey ay ugu danbeyn gacanta ku dhigeen.

Hilibkan ayaa kasoo galay dhanka Addisababa iyadoo aan la ogeyn Beerkani xayawaanka laga soo gooyey iyo waliba inuu ahaa mid caafimaad qaba iyo in kale.

Beerka ahaa ah waxyaabaha loogu jecelyahay in dadku cunaan taasaa keentey in muqaaxiyuhu meelo kale udoontaan iyagoo raba in marwalba laga helo beer ka badan muqaaxiyaha kale. Balse suaasha Jijiga maanta isweydiineyso ayaa ah Beerkii aan cuney maxuu ahaa? Ma Doofaarbuu ahaa, ma Dameer ayuu ahaa mise Waraabe ayuu ahaa amase bisad.?

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigey hilibkan ayaa walaac ka muujiyey caafimaad qaba hilibkan oo aan illaa iyo hadda la caddeynin waxa uu yahay.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print