xaajo logo

Faallo: Ma xornimadii la raadinayay ayaa Gobolka Godey ka hillaacdey? ... 06 Feb 2010
Dhiillooyinka kasoo yeedhaya gobolka Godey maalmahan ayaa waxey shacabka Soomaalida galbeed ku noqdey kuwa argagax ah isla markaana gabawarey reero nabad u dagganaa, agoonteeyey caruur badan. Dagaalada ka dhacey gobolka Godey Haarweyn, Shiniile iyo Burqayar oo dhamaantood hoostaga Dhanaan iyo magaalada Godey waxa kaliya ay dhibaato ku tahay waa shacabka deegaanka waana ayaandarro. Read more ..

Guddoomiyihii Dagmada Dhanaan iyo rag uu ku jiro Cabdiwahaab Maxamed Xaashi oo ay ONLF laysey ... 03 Feb 2010
Jabhada ONLF oo tuulada Burqayar ku dishay gudoomiyihii degmada Dhanaan iyo qaar ka mid ah Maamulkiisii iyo dad shacab ah oo goobta ku dhintey Warar hor dhac ah oo eega nasoo gaadhay ayaa xaqiijinaya in dagaal saaka ka dhacay tuulada Burqayar oo 20 km dhinaca waqooyi kaga aadan magaalada Dhanaan ay Jabhada ONLF ku dishay xubnihii ugu muhiimsanaa maamulka degmada Dhanaan oo uu ku jiro gudoomiyihii degmada Dhanaan Xalane Macalin Siraad iyo Cabdiwahaab Maxamed Xaashi ..... Read more ..

Qoraal Xiiso leh :Muslimiinta Ethiopia. WQ Abdirahman Sh Biixi ... 02 Feb 2010
Marka dad badani ay maqlaan magaca Ethiopia waxaa maskaxooda kusoo dhacaya ama ay u haystaan in Ethiopiyadu ay wada gaalo tahay, arrinkaasoo ah mid ka fiirsi u baahan.Weliba waxaad naxaysaa ama yaabaysaa markaad aragto qof wax garad ah ama dadka horjooge u ah oo aan aqoon fiican u lahayn muslimiinta Ethiopia, waana waxyaabaha sababaya in dad badani ku farxaan shilkii soo gaadhay dadkii saarnaa Ethiopian airlines markii maalin dhawayd ay ku dhacday biyaha Lubnan. Iyadoo ayna fiicnayn in la isaga farxo qof baniiaadam ah dhimashadii, Read more ..

Wiil iyo aabihii ay ONLF ka afduubtey Shiniile iyo gabadh lagu dhaawacey ... 01 Feb 2010
XOL:Ururka ONLF ayaa dhawaan tuulada Shiniile ku diley masuul ka tirsanaa maamulka dagmada Dhanaan oo lagu magacaabi jirey Aqbal Xaaji Nuure iyagoo sidoo kalena ku dhaawacey laba ruux meesha warar dheeri ah oo naga soo gaadhaya Dhanaan ay sheegayaan iney afduub kula tageen wiil iyo aabihii illaa iyo haddana aan laga heynin waxwar ah meel ay la aadeen iyo xaaladdooda caafimaadba. Read more ..

Booqashadii Dr. Cabdi Caydiid ee South Africa oo soo gabagabowday ... 31 Jan 2010
Dr. Cabdi Caydiid Xiirey oo ah Dhakhtar Caanka ah Dalka Somalia xilal kala duwana ka soo qabtay Dawladihii Somalia ayaa Booqasho uu deeq ugu uruurinayay Hospitaalka guud ee magaalada Dhoobley Kuyimid Dalkan K/Africa ooy kunoolyihiin Somali lagu qiyaasayo 40,000 wuxuuna soo maray Gobalada kala ah: Gauten (Johannesburg), Eastern Cape (Port Elizapeth), iyo Western Cape (Cape Town) oo uu kusoo khatimay Socdaalkiisa .
Read more ..

SHAAMAREER: Haddaan dhoofo iyo Haddaan dhagaha is tiro! ... 30 Jan 2010
XOL: Waa Barnaamijkii aad inta badan sugeyseen ee Shaamareer..Maanta Qalbi iyo Qumane waxey joogaan Addisababa waxeyna ku kulmeen xaafadda Hayaa Arat 24 oo Soomaalida deegaanku ku badan tahay.. Waryaa sow kii maalinkii dhaweyd aan Jijiga kaaga imid iyo waad igu aragtey waan kaaga imid ha dhihin, ninyahaw hadalkaaga u fiirso iyo salaan ayaa gacmaha la isgaliyey aan is warsanee soo fadhiiso. Read more ..

Isku Daroo Imisaa ka dhimatay: Masuuliyiin ka tirsan maamulka Godey oo ONLF ku leysey aagga Godey ... 29 Jan 2010
XOL:Dhiilada ka taagan DDS ayaa maxsuulka marwalba kasoo baxaya noqdey mid marwalba agoomeeya ubadka deegaanka oo awalba la rafaadsanaa dhibaatada daba dheeraatey. Dagaal dhexmaray maleeshiyaadka gobolka Godey iyo ururka ONLF ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu laayay masuuliyiin ka tirsan kuwii maamulka gobolka meesha qaarkoodna iyagoo nool lala tagay. Read more ..

Wardagdag ah: Gudoomiyihii Xisbiga ee degmada Dhanaan Aqbal Xaaji Nuure oo lagu diley tuulada Shiniile ... 29 Jan 2010
Wararkana naga soo gaadhaya magaalada Dhanaan waxay xaqiijinayaan in gudoomiyihii xisbiga ee degmada Dhanaan Aqbal Xaaji Nuure lagu diley tuulada Shiniile oo 18km kaga beegan dhinaca waqooyi ee magaalada Dhanaan. Read more ..

Faahfaahin dheeri oo kusaabsan Xadhigii loo geystey Cabdinyuur oo lagu xidhey Yemen ... 28 Jan 2010
Dalka yamen Xabsi ku yaala waxaa Dhawaan laga soo daayay Cabdi Nuur Xasan Rashiid oo ah Arday udhashay Dhulka S/galbeed, ee lagumaysto Wuxuuna ku xidhnaa Xabsi ku yaala Magaaladda Caasimadda u ah Yamen ee Sanca , Cabdi Nuur Waa Arday wax ka barta Dalka Yamen marka la qabanayayna Wuxuu Sii galayay Jaamacatu Sanca oo ah Jamaacadda ugu Weyn Yamn rabayn in uu ka bilaabo Waxbarashada Sare oo Master ah . Read more ..

SIR CULUS: Qaybtii 2aad: Qoraal Xasaasi ah oo Maxamed Cumar Cismaan u direy guddida Fulinta ONLF iyo Codkii Dr Doolaal ... 26 Jan 2010
XOL: Bisha November markey ahayd 7 sanadkii 2008 ayuu Maxamed Cumar Cismaan udirey email dheer guddida fulinta ONLF isagoo usheegaya iney ciidamada gudaha jooga ee ONLF ay diyaar u yihiin iney talaaba ka qaadaan kuwa ay u arkaan iney halganka kusoo duuleen, isla markaana waxuu ka codsadey madaxda ONLF iney jaaliyadaha dibadda wacyi galiyaan. Qoraalkan oo daba socda kuwa badan oo nasoo gaadhaya, ayuu Maxamed Cumar Cismaan kusheegey in Dr Doolaal, Eng Salaaxuddiin...... Read more ..

Dhacdo La yaab Lehoo ka dhacdey Yeman: Wiil ardey jaamicadeed ahaa oo Xabsiga Yemen loo taxaabey kadib markii! ... 25 Jan 2010
Wararka naga soo gaadhaya dalka Yaman ee la xidhiidha jaaliyadda Soomaaligalbeed ayaa waxey sheegayaan qiso la yaab ku noqotey qofwalba oo maqlay ama looga sheekeeyey. Qisadani waxey kusaabsantahay wiil u dhashey gobolka ahaana ardey jaamicadeed oo wax ka baranayay dalka Yaman. Wiilkan oo magaciisa lagu sheegey Cabdinuur Xasan Rashiid ayaa waxay dhawaan ciidamada amniga ee dalka Yaman dhigeen Xabsiga iyadoo aan la ogeyn sababta loo xidhey waxaana dib kasoo baxdey in wiilal ONLF ah garabka Maxamed Cumar ay ku dacweeyeen inuu Alshabaab soo galiyo waddanka Yemen.....! Read more ..

Illaalada guddoomiyaha Degmada Dhanaan oo wiil ku dishey Godey. ... 25 Jan 2010
XOL: Illaalada guddoomiyaha magaalada DHanaan Xalane Macalin Siraad ayaa rasaas ku diley nin dhalinyaro ah oo shaqaale ka ahaa xafiiska waxbarashada ee degmada Dhanaan kadib markii sida lagu soo waramay khilaaf iyo muran uu dhexmaray. Wiilkan dhintey ayaa lasheegayaa in isla shalayba la aasey iyadoo maamulkii dagmada Dhanaan iyo illaalidiisii xabsiga loo taxaabey. Read more ..

          
        WARAR KALE












































































<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 Next >>

 


   somalitech.com 

 


 

maanhadal


        MAQAALLO












































































<< Previous 1 2 3 4 5 Next >>

 

 

H A M B A L Y O / O g a y s i i s




















<< Previous 1 2 Next >>

 
 

T A C S I