xaajo logo
 
Guddoomiyaha Mashruuca Waxbarashada Qoraxey Maxamuud Haaguf oo Wareysi siiyey BBC-da ... 23 Oct 2008
XOL:Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa wareysi dheer oo uu guddoomiyaha Mashruuca Waxbarashada Qoraxey Mudane Maxamuud Cumar Haaguf siiyey idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga. Wareysigan oo marhore baxay ayuu gudoomiyuha Haaguf kaga waramayaa taariikhda mashruuca, meesha uu marayo iyo sidey uga go antahay bulshada ree Qoraxey iney Mashruucan ka midha dhaliyaan. HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA GUDDOOMIYE HAAGUF

Ninba waa markiisa!Daauud Diiriye oo looga kala hadhey madaxnimada deegaanka ... 23 Oct 2008
XOL:Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jijiga ayaa sheegaya in kadib wadahadallo dheer oo ay galeen madaxda xisbiga talada deegaanka haya iyo saraakiisha Tigreegu ay isku raaceen in madaxweynaha deegaanka loo daayo inuu noqdo Daauud Diiriye. Hadalhayntii qofka noqonaya madaxweynaha deegaanka ee cusub ayaa kasoo yaraatey magalada Jijiga kadib markii Xisbiga SPDP isku raacey in Daauud loo daayo madaxnimada.
Read more ..

Faallo:Musuqmaasuqa deegaanka xilka waa lagu yimaaddaa, waana looga tagaa! ... 18 Oct 2008
XOL: Masuulyiiinta Kililku waxey ku xidhanyihiin kuwa federaalka dawladda, Kuwa goboladuna waxey ku xidhanyihiin saraakiisha ciidamada iyo kuwa Kililka, kuwa dagmooyinka joogana waxey ku xidhanyihiin kuwa gobolada, tuulooyinka(Qabaleeyda kuwa joogana waxey ka amarqaataan askarta Tigreega). Haddaba qormadan waxaan ku eegaynaa sida maamulka deegaanka oo hantida miisaaniyeed ee sanadkii ay gaadheyso illaa 800 Milyan Birr haddana waxqabadkiisu maxuu la ragaadsanyahey. Maamul walba maxuu musuqmaasuqa uga dhigtaa Sunne, xaggeyse hantida deegaanku gashaa. Waxaan kusoo gabagabeyn doonaa rajada laga qabi karo maamul suuban oo ka hirgala deegaanka Somalida Read more ..

Ethiopia risks £130 million of British aid by 'hiding famine' ... 18 Oct 2008
Britain is threatening to withhold £130 million of aid from Ethiopia if its government hides the scale of a famine in the Somali region where a bitter war against rebels is taking place. Douglas Alexander, the international development secretary, told Meles Zenawi, Ethiopia's prime minister, that Britain would not guarantee future payments to the country. On a two-day visit, Mr Alexander toured a hospital in the town of Kebri Dehar, in the Somali region. Before his arrival, local officials forced starving infants out of the emergency ward and on to the street. Read more ..

Ethiopia risks £130 million of British aid by 'hiding famine' ... 18 Oct 2008
Britain is threatening to withhold £130 million of aid from Ethiopia if its government hides the scale of a famine in the Somali region where a bitter war against rebels is taking place.Douglas Alexander, the international development secretary, told Meles Zenawi, Ethiopia's prime minister, that Britain would not guarantee future payments to the country. On a two-day visit, Mr Alexander toured a hospital in the town of Kebri Dehar, in the Somali region. Before his arrival, local officials forced starving infants out of the emergency ward and on to the street.
Read more ..

Qarax ka dhacay magaalada Qabridahare iyo dad badan oo haween ka mid yihiin oo ciidamada Tigreegu xabsiga u taxaabay ... 12 Oct 2008
Qarax ka dhacay meel ku dhaw masaajidka cusub (Al-Hidaaya) ee magaalada Qabridahare ayaa sababay dhaawaca laba dhalinyaro ah oo mid madaxa lagaga jiro kuwaasi oo marayay goobta qaruxu ka dhacay. Qaraxani wuxuu sidoo kale galaaftay ilaa iyo 12 ruux oo 2 dumar tahay kuwaasi oo ciidamada Tigreegu ay xabsiga u taxaabeen, halka wiil kalana magaalada lagu dhex toogtay. Read more ..

Dhismihii Dugsiga sare ee Dhanaan oo dhexda maraya iyo bulshada ree Dhanaan oo ku diirsatay ... 11 Oct 2008
Hawlwadeenada Mashruuca DDP ee kukala nool dacallada adduunka ayaa waxey aad ugu faraxsanyihiin in ugu danbeyn ay riyadooda ka run sheegeen iyadoo maanta dhismihii dugsiga sare ee magaalada DHanaan uu badhtamaha marayo. Waa markii ugu horeysey ee taariikhda magaalada Dhanaan loo sameeyo dugsi sare iyadoo uu mashruuca Horumarinta Dhanaan uu ku guuleystay inuu diro dhaqaale adag loogu bilaabo dugsiga sare ee Dhanaan. Maamulka Mashruuca DDP ayaa ku jira diyaargaroowgii ugu danbeeye ee lgu dhameystiri lahaa dugsiga Dhanaan.

Haddi Ugaas C/raxmaan U xidhnaa Lugbuur, Mahdi Ayuubna yuu u xidhanyahay!? ... 11 Oct 2008
Waxyar kadib markii xilka laga qaadey Lugbuur ayaa xabsia waxaa laga sii daayay Ugaas Cabdiraxmaan M Qani iyadoo maamulka deegaanku ay sheegeen in Ugaasku u xidhnaa Lugbuur. Ugaaska laftiisa ayaa inshaarey inuu u xidhnaa Lugbuur mar uu wareysi siiyey idaacadda BBC-da. Iyadoo ay jiraan boqolaal ruux oo xabsiyada deegaanka ku jira, waxaa iyana u baahan in maamulka cusub ee Kursiga ka qaadey Lugbuur iney caddeeyaan cidda uu Mahdi Ayuub u xidhan yahay.! Read more ..

Ardeyda Magaalada Qabridahare oo noqotey tirada ugu badan ee deegaanka ee Jaamicadaha Heshey dadaalka QEF awgiis! ... 11 Oct 2008
XOL: GUUL QORAXEY EDUCATION FOUNDATION:
Tiro gaadheysa 94 ardey oo kamid ahayd 128 ardey oo sanadkan imitxaanka guud ee Ethiopia fadhiistey ayaa ku guuleysatey iney helaan jaamicadaha kala duwan ee dalka Ethiopia iyadoo waliba 37 kamid ah ardeydaas ay heleen dhibco aad u sareeya kuwaasoo ay xaq u yeesheen iney helaan iney bartaan culuumta Sayniska ee kulliyadaha sida Caafimaadka iyo Injineernimada.
Read more ..

Ugaas Cabdiraxmaan Muxumed Qani oo Xabsiga laga sii daayay xadhigiisana lagu eedeeyey Lugbuur ... 08 Oct 2008
Waxaa Xabsiga magaalada Jigjiga laga siidaayay Ugaas C/raxman Muxumed Qani oo muddo aad u dheer ku jiray Xabsiga Jigjiga, Ugaaska ayaa muddo dheer kaddib la siidaayay shalay casarkii iyadoo la sheegay inuu u xidhnaa markii horeba Cabdulaahi Xasan Lugbuur M/weynihii hore ee Degaanka ee dhawaan xilka laga qaaday. Read more ..

Khadka Isgaadhsiinta Tel-nada magaalada Dhagaxbuur oo caadi kusoo laabatey 7aad kadib ... 07 Oct 2008
Waxaa maanta mar kale hawada dib ugu soo laabtay Isgaadhsiintii Magaalada Dhagaxbuur oo muddo toddobaad ka badan hawada ka maqnayd iyadoo ay hal mar go'een Adeeggii Telefanada Gacanta iyo Line ka caadiga ahba. Shirkadda Isgaadhsiinta ee Itoobiya ayaa sheegtay in Cillad dhinaca farsamada ah oo ku timid isgaadhsiintaas ay hawada uga baxeen Isgaadhsiintii Dhagaxbuur Read more ..

Who gave SPDP the birth right to rule? By Waddani ... 05 Oct 2008
As we all know region five is yet again embracing itself at "all change at the top" for the eighth time since the creation of this regional authority somewhat 15 years ago. This in my opinion teaches us two things;
1. No mater how hard you try to implement the barbaric policies of Meles Zenawi towards Ogadenia, you are not immune from sacking and humiliation.
2. The shambolic and disgraceful state of the ruling party ( the SPDP)

Read more ..