xaajo logo
 
Wardegdag ah: Cabdinuur Sooyaan iyo Maxaabiis kale oo Cafis helay ... 20 Jul 2010
War deg deg ah oo goor dhaweyd nasoo gaadhay ayaa sheega in madaxwerynaha deegaanka soomaalida Cabdi Maxamed Cumar uu manta cafis guud u fidiyey 4 maxbuus oo sedex kamid ah katirsanaayeen golaha dhexe ee Ururka ONLF oo ka mid yahay Cabdinuur Sooyaan oo ka tirsanaan jirey guddida fulinta ee ONLF. Read more ..

Waftigii aqoonyahanka Yurub oo soo gaadhay Caasimadda Deegaanka Jijiga(+SAWIRO) ... 19 Jul 2010
Saacaddu markey ahayd 1pm saacadda caasimadda Jijiga waxaa magaalada soo gaadhay wafti heersare ah oo kasoo kicitimay Qaaradda Yurub kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyey kusugnaa magaalada Addisababa. Waftigan oo soo marey jidka dheer ee u dhaxeeya caasimadda Addisababa iyo magaalada Jijiga ayna galbinayeen masuuliyiin ka tirsan ururka UWSLF oo waftigan uga horyimid magaalada Addisababa. Read more ..

Halkan ka daawo shirkii Jaaliyadda SoomaaliGalbeed ee dalka Norway ay ku taageeraysay heshiiska dhex maray dawladda Federaalka ee Itoobiya iyo ururrada UWSLF iyo ONLF ... 18 Jul 2010


Jaaliyadda S/Galbeed ee dalka Norway oo soo saartay baaq ay ku taageerayaan heshiiska dhex maray dawladda Itoobiya iyo ururrada UWSLF iyo ONLF (+Sawiro) ... 18 Jul 2010
Shir balaadhan ooy isugu yimaadeen Jaaliyadda SoomaaliGalbeed ee wadanka Norway ayaa lagu lafo guray marxaladdaha ka soo cusboonaaday Gobolka isla markaana laga soo saaray warsaxaafadeed lagu ayidayo heshiiska nabadeed ee dhex maray ururrada UWSLF iyo ONLF garabka Golaha Sare iyo Dawladda Itoobiya. Read more ..

JAALIYADDA S/GALBEED EE SUDAN OO QABATAY SHIR AY KU TAAGEERAYAAN NABADDA ... 18 Jul 2010
Jaaliyadda S/galbeed ee Wadanka Sudan ayaa Shirk u qabtay Magaalada Khartuum, shirkaa oo lagu taageerayo geedi socodka Nabadda ee UWSLF. Read more ..

Casho sharaf ku saabsan xogwaraysi oo xalay Addis Ababa ku dhexmartay saraakiil ka tirsan UWSLF iyo wafuud ka timid Qaaradda Yurub ... 18 Jul 2010
Mid kamid ah hoteelada magaalada Addis Ababa ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay Casho sharaf qiimo badan taasoo ku salaysnayd soo dhawaynta xubno muhiim ah oo isugu jiray Aqoonyahanno iyo Culimo kasoo kicitimay qurbaha. Read more ..

Liistada magacyada ku guulaystay inay kamid noqdaan Golaha Dhexe ee Xisbiga talada u haya Dawladda Deegaanka Soomaalida ... 17 Jul 2010
Halkan ka daalaco Liistada magacyada ku guulaystay inay kamid noqdaan Golaha Dhexe ee Xisbiga talada u haya Dawladda Deegaanka Soomaalida Read more ..

Qurbo joogta oo u hambalyaynaysa madaxwaynaha cusub ee dawladda deegaanka Soomaalida ... 16 Jul 2010
Jaaliyaddaha dibadda iyo waliba ash-khaas badan oo kamid ah qurbojoogta deegaanka Soomaalida ayaa waxay bahda Xaajo soo gaadhsiinayaan hambalyo iyo bogaadin ay u dirayaan madaxwaynaha cusub ee dawladda deegaanka Soomaalida. Read more ..

Go’aamo ka soo baxay kala fadhigii shirkii Xisbiga caynaanka u haya dawladda deegaanka Soomaalida ... 16 Jul 2010
Shir laba maalmood u socday xisbiga talada u haya dawladda deegaanka Soomaalida ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano X.D.SH.S ayaa lagu soo gunaanaday dhisitaanka Gole dhexe iyo Gudi fulineed. Read more ..

Aqoonyahano u dhashey deegaanka oo soo gaadhay Addisababa ... 16 Jul 2010
Taariikhdu Markey ahayd 14kii bishan July hilaaddii 8pm saacada Geeska Afrika ayaa waxaa garoonka magaalada Addisababa ee Bole International Airport kasoo dagay labo aqoonyahan u dhashey deegaanka kuwaas oo kala ah: Eng. Cabdirashiid Sh. Xuseen iyo Axmed Cabdi, kuwaas oo kasoo kicitimey dalka Ingiriiska. Waxaa aqoonyahanadan Airport-ka kusoo dhaweeyey masuul ka tirsan xafiiska arimaha dibadda ee ururka UWSLF Dr Axmed Cabdi iyo muwaadiniin kale oo qurba-joog ah oo kusugnaa magaalada Addisababa. Read more ..

ONLF Shirkii ku qabsanaysay London oo laga joojiyey Iney Shir qabsadaan ... 16 Jul 2010
XOL: Wararka naga soo gaadhaya magalaada London ayaa sheegaya in shir ururka ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan ay qorsheynayeen laga joojiyay kadib markii qoraalo dacwooyin ah la gaadhsiiyey Schoolkii ay ku qabsanayeen taasoo ay qoreen qoysas dhibanayaal ah oo ururkani ay waddanka gudihiisa ku laayeen. Read more ..

Gaadiidka Puntland ka yimaada oo loo cayimay goobo lagu kantaroolo ... 15 Jul 2010
Heshiis ay dhawaan kala sixiixdeen dawladda deegaanka Soomaalida iyo maamul gobolleedka Puntland ayaa lagu cayimay in dhamaan gaadiidka soo galaya dhulka Ismaamulka Soomaalida ay soo maraan sadex barkantarool si ay u helaan warqad dal ku gal, taasoo lagu soo rogay dhamaanba gaadiidka soo galaya gobolka. Read more ..